“Haddii Isku Duubni Jirto In Dhul Soomaaliyeed Meel Kale La Geeyo Ma Dhacdeen, Kuwii Hadhka Cad Dhulka Wareejiyeyna Waxay Ahaayeen …” – Madaxweyne Mustafe

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay isku-duubnidii ay shacabka deegaanku muujiyeen ee ay ku garab istaageen walaalahooda Gobolka Sitti.

Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad lagu qabtay Jigjiga oo lagu soo bandhigayey buugga Medemer ee uu qoray Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa uu sheegay in toddobaadkan uu iskugu yeedhi doono ururrada mucaaradka ee deegaanka ka jira, kuwaas oo uu kala hadli doono sidii loo yeelan lahaa waxyaabo lagu midaysan yahay, isla markaana loola tartami lahaa dadyowga kale.

Madaxweyne Mustafe waxa kale oo uu xusay in mucaaradka Canfartu ay ahaayeen kuwa u doodayey dadkooda ee sheegayey in dad laga laayey, halka kuwa Soomaalidu ay faafinayeen warar lid ku ah hoggaaminta DDS.

Mustafe Muxumed Cumar, Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalidu, waxa sheegay in hoggaamintii hore ee deegaanku ay hadh cad dhulka Soomaaliyeed ee Galbeedka Sitti ay saxeexeen, kuna wareejiyeen meel kale, waxaanu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya: “Isku-duubnida ay Soomaalidu beryahan muujisay wax wanaagsan weeyaan. Illaa shalay waad la socoteen arrimaha iyo saxaafadda. Waa Alxamdulillahi in maanta ay dadkeenu isku damqanayaan, gobollo kala duwan wixii ka jiray uu gobolka kale u damqanayo, si xor ah ay bannaanka usoo istaagayaan. Haddii tan oo kale ay jirto marka horeba dhulka dadka soomaaliyeed ee meelo kale la hoos geynayey ma dhacdeen, markaa waa yididiilo wanaagsan.

Dadka qaar baa lahaa, hoggaamintii hore haddii ay joogto Canfar nama soo hawaysateen iyo waxaas, dee hoggaamintii hore ee joogtay ayay ahaayeen kuwii dhulka siiyey ba, hawaysigu haba dambeeyee kuwii hadh cad dhulka saxeexay ee dad Soomaaliyeed yidhi halkaas ayaad hoos tegaysaan hoggaamintaa ay dadka qaar halyeeyada ka dhigayaan ayey ahayd.”

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay xaqa Soomaalida soo dhiciso, laakiin loo baahan yahay in shacabku isku duubnaado, waxaanu yidhi: “Markaa waa in si waaqici ah loo fikiro, xukuumadduna way ku dedaalaysaa in xaqa Soomaalida ay soo dhiciso, in gole walba aan la tagno dooddanada sidii shirkii shalayba aanu la tagnay, shacabkuna inuu isku duubnaado oo hawlaha dawladda ku raaco waa muhiim wixii dawladda ka khaldanna loo sheego, Illaahayna uu ina siiyo mucaarad indhihiisu ay ka shisheeyaan miisaaniyadda iyo mansabka kaliya, mucaarad miisaaniyaddana arka, mansabkana arka, dhulkana arka, qaddiyadaha kalena arka inuu Illaahay inna siiyo ayaan ku ducaysanaynaa, sababtoo gobolladaa aan is haynay oo dhan mucaaradku bayaano ayey soo saarayeen, way hadlayeen, arrimaha afkaaraha qaddiyadaha go’aan cad bay ka qaadanayeen, 17 qof baa la dilay kuwii lahaa dawladda ma ahayn ee ururkii mucaaradka ee Canfarta ayuu ahaa. Innaga mucaaradkeenu waxay ku ducaysanayeen Illaahow madaxweynaha la eryaa, Illaahow arrinta Canfarta eedaa, waa loo yeedhay, halkaa uma dhaafsiisnay, waxaanay taasi ku tusaysaa inaan qaddiyad iyo dhul iyo waxba toona jirin ee ay uga weyn tahay in meesha ninka fadhiya la dhaafiyo, inay kaga xoog badan tahay oo ay kaga lur badan tahay ayay ku tusaysaa.”

Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu sheegay in ururrada mucaaradka ee jira uu la kulmi doono, waxaanu yidhi: “Waxaa si looga baxana toddobaadka dambe yeedhaynaa ururrada mucaaradka ee jira oo aanu shir u qabano meelahaa Sabtida oo ONLF ay ka mid tahay, ururka isbahaysiga ee hadda la sameeyey uu ka mid yahay, kuli intaanu u yeedhno oo aanu nidhaahno aynu dadka la tartanno, siyaasado inna mideeyaa ha jiraan, wixii Soomaalinimo ah aynu meel uga soo wada jeedsano, wixii miisaaniyad iyo mansab ah xagga hoose aynu isku eryano in aanu nidhaahno ayaanu jecel nahay.”