Haddii Aanu Itoobiyaan Nahay Maxaa Looga Hadli Waayay Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed? – Madaxweyne Mustafe Oo Runta U Sheegay Itoobiya

Bahir Dar (Jigjigaonline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa garnaqsi buuxa miiska u saaray Itoobiya, waxaana uu hor dhigay su’aalo ruxaya quluubta Soomaalida oo ay u baahan yihiin in looga jawaabo.

Madaxweynaha oo shalay khudbad ka jeediyey magaalada Bahir Dar ee caasimadda maamulka Axmaarada oo uu booqasho maalmo qaadatay ku joogo, ayaa waxa uu weydiiyey Itoobiya sababta ay uga hadli waayaan dhibaatada soo gaadha dadka Soomaalida ah halka dalka oo dhan uu qayliyo haddii waxyeello soo gaadho cid ka tirsan Qowmiyadaha kale.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shacabka Dawladda Deegaanku ay Soomaaliya u doonan jireen waxbarashada iyo shaqadaba kaddib markii ay Itoobiya ka waayeen.

Madaxweynaha oo tixraacayey hadal uu madasha ka jeediyey mid ka mid ah Salaadiinta Soomaalida ee weftiga ka midka ahaa, ayaa waxa uu yidhi: “Taariikhdu maaha wax tegay ee waa turjumaad laga bixiyo wixii tegay. Haddii ay jirto aragti khaldan oo ah in qoomiyadda Axmaaradu dhamaanteed tahay mid Gumaysi oo islawayni leh, waxaa jirta mid taas lamid ah oo haysata shacabka Soomaaliyeed waxaana tusaale u ah inay jirto aragti khaldan oo odhanaysa Soomaalidu waxay deegaanka ku yimaadeen geeddi iyagoo xoolahooda calaf uraadinaya, taasina waa arrin aan sal iyo raad lahayn waayo kumannaan sano in dhulkani uu ahaa dhul Soomaaliyeed taariikhda Soomaaliyeed ayay kucadahay, laakiin waxaa jira dad si kale udhigay.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Dagaalkii 1960kii Ee Somaliya iyo Itoobiya sida loo dhigo maaha mid ka turjumaya taariikhda dhabta ah ee deegaanka Soomaalida. Caadiyan dagaalku wuxuu qayb ka ahaa dagaalladii siyaasadeed ee ka danbeeyay dagaalkii labaad ee dunida, lana xidhiidhay arimaha isirka, jinsiyada iyo xuduudaha uu gumaysigu sameeyay, balse waxaa jirta in taariikhda Itoobiya meesha ay ka saartay tabashadii dhabta ahayd ee shacabkayaga oo ahayd, inay shacabka soomaaliyeed waxbarasho, caafimaad iyo shaqaba u doonan jireen Somaliya maadaama ay ka waayeen Itoobiya, taasina waxay abuurtay in shacabkayagu aanay midnimada iyo jiritaanka Itoobiya kalsooni badan oo wadaniyadeed siinin, waayo qofku markuu dareemo in la riixayo waa uu fogaadaa, arintani waxay kamid tahay taariikhaha khaldan ee u baahan in loo dhigo qaab dhinac walba ka turjumaya.”

Intaa kaddib madaxweynuhu waxa uu qaab su’aalaysan u weydiiyey Itoobiya tabashooyinka Soomaalida iyo caddaalad darrada ay tirsanayaan, waxaanu yidhi: “Maanta majirto cid hadalhaysa dhibkii dadka soomaalida soogaadhay iyo sababta soomaalidu aysan daacad ugu noqonin jiritaanka itoobiya, waayo sida taariikhda loodhigay ayaa ah mid aan sax ahayn.

In shacabka soomaaliyeed aysan kalsooni wadaniyadeed siinin itoobiya oo ay noqdaan kuwo kajecel soomaaliya maaha arin iska timid waa arin lagu qasbay waayo cadaadis iyo dhibaato mooyee maysan dheef kuqabin itoobiya, waana arin xaqiiqa ah, shacabkanagu way kusaxan yihiin inay qabaan aragtidaas.

Marka laga soo gudbo dhibaatada xiligii boqortooyada iyo dergiga waxaa xusid mudan in 20kii sano ee lasoo dhaafay dhibaatada shacabka soomaaliyeed loogaystay aysan cidina soo hadal qaadin, tusaale ahaan 10kii sano ee lasoo dhaafay kaliya waxaa la xasuuqay 20kun oo dhalinyaro soomaaliyeed ah, waxaa lakufsaday dumar, mana jirto cid kahadashaa marka layimaado badhtamaha dalka, waana arintaas mida keentay in dadka soomaaliyeed nawaydiinaan hadii aan itoobiyaan nahay maxaa dhibkanaga looga hadli waayay?.

*Waxaa kale oo run ah oo ay shacabka soomaaliyeed marwalba nawaydiiyaan, hadii maanta 8 qof oo itoobiyaanka kale ah meel lagu xidho wadanka dhan ayaa looga qaylyaa balse anaga hadaan soomalai nahay markii nala xasuuqayay ee dumarkanaga lakufsanayay xagay kumaqnaayeen itoobiyaanka kale, maxaase looga danqay waayay sida looga danqanayo kuwa kale?

Su,aalahani maaha kuwo laab lakac ah waa kuwo dhab ah oo ay cadayn karaan dadka qoomiyadaha kale udhashay ee deegaanka soomaalida kunool.

Sidaas daraadeed ayaan u,aaminsanahay inay jiraan arimo badan oo ubaahan inaan isla falanqayno una dhigno qaab katurjimaya dhinacwalba oo saamayn kuleh, waana midaas mida uu kahadlay Suldaanku, inaan arimahan kaheshiino wadan ahaan waxay keenaysaa inaan isu calool fayoobaano oo aan mustaqbalka wajahno waxayna meesha kasaaraysaa aragtimada cidhiidhyoon ee maangaabnimada ah ee qoomiyad dhan oo qof wanaagsan, qof xun, sheekh, danbiile iyo wadaniba leh halnooc loo eedeeyo.

Ugu danbayn waxaa muhiima inaan ogaano in cadaadiska iyo riixitaanku uu yahay midka asal ahaan hooyada u ah xagjirnimada iyo in qofku uu fogaado, mana ahan arin soomaali kaliya kukooban, xitaa taariikhda dunida qofka hadii diintiisa lagu cadaadiyo wuxuu moqdaa xagjir, marka waa inaan saxnaa aragtiyaha khaldan oo aan noqonaa kuwo isu soo dhawaada.”