Fursaddii Dahabiga Ahayd Ayaad Lumiseen Sidii SDP

Waxay maah-maahi ahayd ” Dayax dhacay nuur lagma sugo’e”, wax micnaha ah samayn mayso, inta shir la galo, oo la yiraahdo isbedel baan samaynayaa in natiijo ah “Kobtiina iska jooga”, oo GOLIHII dhexe ee ASMARA uun dib aan u soo celino “ – waa arrin lid ku ah talooyinkii qiimaha badnaa “isbedel mug leh, cadaalad, sinaan iyo soomaalinimo ku suntan” tii sameeya la idin lahaa ee la idin siinayay todobaadkan oo dhan, kowna aan ka ahaa.

Fursad dahabi ayaad idina lumiseen sidii SDP, waxaanad hub culus gacmaha u galiseen Jeegaanta Mukhtaar iyo ”YEEGADIISII” aad maalmahan ka cabaadayseen. Isma dhaanto iyo dhasheed un baa la idin ku tilmaamiye ka xaaxaabiya. U fiirsada, Heegadiisa ma odhan, YEEGADIISA Ayaan idhi, ha isku qaldina.

Hadana waxaan sugnaaba waa kobtay Gantaalkaas ka soo ridi doonaan, marka aad gudoomiyaha ku dhawaaqdaan, ilaaahow war saxaafadeedkaas goobta lagu qabanayo FAAFAN ha ka dhigin. Bal Mudane Mukhtaaroow, tookadan AWAARE IYO XAGAGAAS la aad MAKARAFOONKA “daandaanso” ilma adeeradadaa MZ.

EEG Qaarbaa odhan doonaa adiga maxaa kaa galay, War Anigu wixii jira un baan odorasaa, kadibna falanqeeyaa.

Alkaftimiya- hadii la yaabo yaasiinka

WQ: Samatar Amiin Bade (Jigjiga Man)