Fannaanka Maxamed Bakaal Cirro Oo Soo Bandhigay Cunsuriyad Iyo Dhacdo Murugo Leh Oo Lagula Kacay Gudaha Hargeysa, Oday Iyo Qamar Soodaani Oo Si Adag Uga Hadlay Iyo Falcelinta Baraha Bulshada Ka Abuurmay

Hargeysa (Jigjigaonline) – Guddoomiyaha kooxda xiddigaha Geeska Fannaan Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) ayaa sheegay in gudaha magaalada Hargeysa uu kula kulmay dhacdo aanu filaynin oo ka baxsan dhaqanka suubban iyo Soomaalinimada, isla markaana gudaha magaalada Hargeysa lagu sameeyey cunsuriyad qabyaaladaysan.

Fannaanku waxa uu sheegay in isaga oo ku dhashay magaalada Hargeysa, ku barbaaray, kuna dhalay in haddana uu la kulmay dhacdo ugub ku ah oo cunsuriyad ah, taas oo aanu caddaynin shaqsigii amaba ciddii kula samaysay.

Maxamed ayaa arrintan ku shaaciyey laba qoraal oo uu Saaka iyo xalay ku baahiyey bartiisa bulshada ee Facebook, waxaanu xusay inuu mudan yahay in laga xishoodo maadaama abti loo yahay.

“Waxaan arkaa rag Hargeysa ii sheeganaya anoo ah Guddoomiyihii Xiddigaha Geeska kuna dhashay, kuna dhalay, kuna dhaqmay, kuna gabcay Somaliland…Qabyaalad Cad…” Ayuu yidhi Cirro oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Fannaanku waxa kale oo uu qoraalkiisa ku yidhi: ” Aniga halayga xishoodo waxaan ahay nin abti loo yahee.”

Dhinaca kale, waxa uu Guddoomiyaha Xiddigaha Geesku weydiiyey shacabka in waqtiga uu lumay dhaqankii Soomaalidu lahayd, isagoo dalbaday in inta isaga haybtiisa lagu faquuqayo ay tahay in Mayarka Caasimadda Hargeysa ay ka hadlaan, kaas oo uu sheegay inuu magaalada qaybiyey, waxaanu yidhi: “Toloow dhaqankii soomaali lahayd hadmuu lumay… awooda aad aniga ugula hadlaysaan. MAAYARKEENA CAASIMADA QAYBIYEY kula hadla..umad bilaa xisaaba ayaad tihiine.”

Arrintan oo boqollaal dad ay ka falceliyeen, in badanna baraha bulshada layskul a wadaagay ayaa waxa si degdeg ah uga hadlay labada fannaan ee Cabdiraxmaan Oday iyo Qamar Suudaani oo wax laga xumaado ku tilmaamay ficilka lagula kacay Cirro.

Cabdiraxmaan Oday oo qoraal jawaab celin ah u diray Cirro ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin cid qaybaalad darteed Hargeysa kaga sheegan karta fannaankan, waxaanu ku yidhi: “Waar Cirro Hargysa looma sheegan karo qabyaalada reer Hargysa ay wadaan ayaan la wadaynaa dhalashana Oday ahaan nin Ciidagale ah ayaa ahay malaha fanaanku inuu qabiil iyo reer la dhashay uma haystaane, Cirrona waa nin laandheere ah laba jeerba. Waa nin Ogaaden ah Isaaqna reeraha ugu libaaxsan ayaa dhalay oo Arab ah. Haddaba aynu eegno ciday caano ka daataan.”

Fannaanka kale ee Qamar Soodaani ayaa isaguna sheegay in arrinta Cirro ku dhacday ay tahay wax laga xumaado, waxaanu yidhi: “Wixii xalay Hargaysa ka dhacay wax fiican ma ahayn oo Maxamed Cirro lagu sameeyay. Fanaaniinta qabyalada halaga daayo plz soomaalinimada na deeqda soomaaliyey no qabyaalad.”.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Jigjiga Online oo isku dayday inay khadka telefoonka ku hesho Fannaanka ayaanay u suurtogelin, hase yeeshee arrintan ayaa noqotay midda loogu hadal haynta badan yahay magaalada Hargeysa, waxaana meel kasta ay dadku is weydiinayaan cidda ku geftay fannaanka ee shaadhka qabyaaladaysan u xidhatay.

Be the first to comment