Fal-celinta wargeysyada Carabta ee sawir gacmeedkii laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH)

Wargeysyada dalalka Carabta gaar ahaan kuwa dalka Masar ayaa waxay cambaareeyeen jariiradda Faransiiska laga leeyahay ee lagu magacabo Charlie Hebdo oo mar kale daabacday sawir gacmeed laga sameeyay Nabi maxamed (NNKH) iyo astaamaha diinta Islamka.

Waxay arrintani timid maalin uun ka hor xilli la filayay in maxkamad ay kasoo hor muuqdaan 14 qof oo looga shakiyay inay caawinayeen labadii qof ee weerarka ku qaaday xarunta wargeyska.

Mid ka mid ah qoraalada ay qoreen wargeysyada dalalka Carabta ayaa is waydiiyay su’aal ahayd sababta uu wargeyskani u sii wado daandaansiga Muslimiinta.

Wageysyada dalka Masar ayaa waxay soo xigteen hadalo iyo jawaabo uu arrintan ka bixiyay caalimka jaamacadda Al-Azhar, oo lagu magacaabo Imam Axmed Al-Tayeb,.

Waxay soo qaateen qoraal uu sheekha soo dhigay bartiisa Tweetar-ka oo uu ku yiri: “Nabigeen (NNKH) waxa aan ka jecelnahay nafteen islamarkana in la aflagaadeeyo ma aha xorriyatul qowl , balse waa fidinta naceyb, rabsho iyo ammaan daro.

Wargeyska “Akhbar Al-Youm”,oo ka soo baxa dalka Masar ayaa qoraaga lagu magacaabo Sacad Al-Gamal waxaa uu ku tilmaamay in sawir gacmeedyadaasi uu wargeyska dib u daabaco inay tahay “mid xadgudub ku ah dhammaan diimaha gaar ahaan dadka aaminsan diinta islaamka oo ay tiradoda kor u dhaafayso 1 bilya ilaa 1.5 milyan.”

Wargeysyada Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale iyagana qoray cambaareynta Kaartuunka uu wargeyskaasi Faransiiska ah daabacay.

Qoraaga lagu magacaabo Cabdullah Al-Ayoubi ayaa wargayska “Gulf News” ee ka soo baxa dalka Urdun ku qoray in “wargeyska Charlie Hebdo ay ku celinayaan khaladkii waynaa ee ay horey u galeen.”

Waxaa uu intaa ku daray: “in hab dhaqanka wargayskan uusan waafaqsanayn mabaa’dia cilmaaniga ee lagu asaasay kacdoonkii Faransiiska oo ah mid xusmeeya caqiidooyiinka islamarkana aan qiil loo helayn aflagaadeynta diimaha.

Wargeyska Charlie Hebdo ayaa ah mid qaab maadeysi ah wax u qora islamarkana ka soo baxa dalka Faransiiska.

Weerarkii 2015-kii

7-dii bishii Jannaayo ee sannadkaas, labo nin ayaa weerar ku qaaday xafiisyada wargeyska Charlie Hebdo uu ku lahaa magaalada Paris ka hor inta ay rasaas ku furin shaqaalaha wargeyska.

Tafatirihii wargeyska Stéphane Charbonnier iyo afar kamid ah shaqaalaha ayaa lagu dilay weerarka.

Dableydii weerarka soo qaaday waxaa markii dambe dilay saraakiisha booliska, waxaana weerarkaas ku dhintay 12 qof.

Maalmo kaddib, nin hubeysnaa ayaa weerar kale ku qaaday xarun dadka yuhuudda ay dukaameystaan oo ku taalla bariga Paris, waxaana halkaas ku dhintay 4 qof, booliska ayaa markii soo afjaray weerarka, waxay dileen ninkii weerarka soo qaaday.