Fadeexad: Diyaarad uu leeyahay madaxweyne oo laga helay daroogada cocaine-ta

Booliska ayaa qabtay maandooriyaha halista ah ee cocaine-ta oo uu sitay askeri ciidamada cirka ka tirsan oo la doonayay inuu ilaaliyo madaxweyne Jair Bolsonaro oo ka soo noqday shirka G20 ee Japan ka dhacay.

Saraakiishu waxay xireen ninka oo Talaadadii la soo dhaafay, boorsadiisa laga helay 39kg oo ah daroogo qaaliga ah.

Wuxuu ahaa qofka loo xilsaaray inuu madaxweyne Bolsonaro ilaaliyo intuu ku sii socday Brazil. Mr Bolsonaro wuxuu raacay diyaarad kale oo ka duwan middii la qorsheeyay ee maandooriyaha laga helay.

Mr Bolsonaro wuxuu twitter-kiisa ku sheegay in uu wasiirka difaaca ku amray in uu la shaqeeyo maamulka Spain oo qabtay maandooriyaha.

“Haddii dembi lagu helo, askeriga waxa uu la kulmi doonaa ciqaabta uu sharciga qabto”, ayuu yiri.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Brazil waxaa lagu sheegay: “Wasaaraddu way ka war haysaa in askeri looga shakiyay inuu maadooriye halis ah sitay, lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Seville ee Spain”.

“Waxaan baareynaa xaqiiqooyiinka, waxaana billaabeynaa baaritaan heer militari ah”.

Sida ay warbaahinta Brazil qoreen, ninka la qabtay ayaa seddax madaxweyne ilaalo u noqday 29-kii safar ee ugu dambeeyay ee madaxda dalkaas ay aadeen.

Be the first to comment