FADEEXAD: Cusbitaal Lagu Lunsaday 52 Milyan Oo Laga Guurayo Iyo Xukuumadda Mustafe Cagjar Oo Go’aan Ka Gaadhay

Jigjiga (JigjigaOnline) –  Cusbitaalka guud ee magaalada Wardheer ee Gobolka Doollo ayaa albaabada loo laabayaa, kaddib musuqmaasuq baahsan oo sababay inuu kala dhantaalmo dhismihiisu.

Magaalada Wardheer ee caasimadda gobolka Doolo ayaa dhibaato badan ka haysataa adeegyada caafimaadka, waxaana hawlihii loogu talo-galay qaban kari waayey cusbitaalka guud ee magaalada oo ay ku baxday lacag ka badan 52 milyan oo Birr.

Cusbitaalkan oo la dhisan waqtigii xukuumaddii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa qandaraaskii dhismihiisa ee bilowgii lagu bixiyey 36 milyan oo Birr, hase yeeshee waxa uu istaagay meel badhtame ah, taas oo keentay in lagu daro lacag kale oo wadarta lacagta ku baxday ka dhigtay 52 milyan.

Cusbitaalka ay ku baxday lacagta intaas le’eg ayaa gebi ahaanba noqday mid aan shaqaynaynin oo aan dabooli karaynin baahiyaha caafimaadka, waxaana ay xukuumadda Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ay go’aamisay in albaabada loo laabo.

Golaha fulinta ee DDS ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Jigjiga waxay ku go’aamiyeen in magaalada Wardheer loo dhiso cusbitaal weyn oo qaban kara baahiyaha caafimaad ee gobolka Doollo iyo deegaamada ku dhow, kaas oo loo diyaarinayo awood uu ku qaabilo bukaano badan.

Golaha fulintu may sheegin waqtiga la bilaabi doono dhismaha cusbitaalka iyo lacagta ku bixi doonta, hase yeeshee waxay caddeeyeen in baahiyaha ka jira deegaankaas aan looga maarmi karin cusbitaal weyn oo beddela midka hadda shaqeeya.