FAAH-FAAHIN: Qaraxii Caawa Ka Dhacay Muqdisho Oo Faahfaahin Laga Helay

Muqdisho (JigjigaOnline) – Wararka ka imanaya degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in qarax xoogan uu caawa ka dhacay nawaaxiga Aargada Liido,  kaasoo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqisho.

Si dhab ah looma oga in gaadhiga qarxay uu ahaa mid laga soo buuxiyay walxaha qarxa ama inuu ahaa mid qof loogu xidhay, waxaana socota baadhitaano ay wadaan laamaha amaanka ee dowladda.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya ahna Afhayeenka laamaha amaanka ee dowladda Somaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxa, kaasoo loo adeegsaday gaadhi noociisa yahay Toyota filler.

“Abbaaro 6.30pm ayaa baabuur noociisa yahay Toyota filler ku qarxay agagaarka aargada Liido. Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiro” ayey tidhi Zakiya.

Xiliga qaraxa Caawa uu dhacayay waxa ay eheyd waqti dadka ay ku mashquulsanaayeen Afurka, taasoo yareysay khasaaraha maadaama dadka ay ku kala xaroodeen goobihii ay ku afurayeen.

Bishan Ramadaan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ku dhowaad 10 qarax oo khasaare gaadhsiiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Shaqaalaha, Ciidanka dowladda iyo dad kaloo Shacab ah.

Meelaha qaraxyadaas ay ka dhaceen waxaa kamid ah Xarunta degmada Warta-Nabada, Kontoroolka NISA ee aagga Daljirka Dahsoon, Nawaaxiga Hoteelka SYL iyo mid ka dhacay afaafka hore ee Iskuulka Jabuuti.

Be the first to comment