Ethiopia: Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Oo Amray Isku-shaandhayn Cusub Iyo Meelaha Ay Taabanayso

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyey in isku-shaandhayn lagu sameeyo hay’adaha warbaahinta ee dawladdu gacanta ku hayso.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu amray in maamullada sare ee hay’adaha warbaahinta ee dawladda isbeddel lagu sameeyo, isla markaana shaqada laga fadhiisiyo kuwa xilalka haya.

Telefishanka Dawladda, Wakaaladda wararka EBC, Idaacadaha FANA, WALTA iyo kuwo xarumo kale oo warbaahineed ayaa amarkan uu si toos ah u taabanayaa, waxaana markiiba soo baxay warar sheegaya inuu xilka iska casilay maareeiyihii wakaaladda Wararka Ethiopia ee EBC.

Ilaha warkan laga soo xigtay may bixinin caddaymo muujinaya amarka ra’iisal wasaaraha, laakiin waxa si weyn suuqa ugu jirta in dhamaan hay’adaha warbaahinta ee dalwaddu ay isku diyaarinayaan isbeddel iyo inay xilka banneeyaan madaxdooda waqtigan.