Ethiopia Oo Shaacisay In Ninkii Ugu Da’da Weynaa Adduunku Uu Ka Bogsaday Xanuunka #COVID19

Nin u dhashay dalka Itoobiya oo la sheegay inay da’diisu ka sarreyso 100 sano, ayaa ka caafimaaday cudurka dilaaga ah ee Covid-19, arrintaasoo uu “wax cajiib ah” ku tilmaamay mid ka mid ah dhakhaatiirtiisu.

Aba Tilahun Woldemichael qoyskiisa waxay sheegeen inay da’diisa tahay 114 sano, taasoo ka dhigeysa ninka adduunka ugu da’da weyn, laakiin ma jirto warqad dhalasho oo caddeyneysa arrintaas.

Odaygan indhaha caalamka soo jiitay waxaa hadda gurigiisa ku xannaaneynaya wiil uu awoowe u yahay.

Aba Tilahun waxaa cudurka laga helay mar baaritaan guud lagu sameynayay xaafadda uu daggan yahay, oo ka tirsan caasimadda Addis Ababa, waxaana isbitaalka la dhigay ka hor inta aysan caalamadaha kasoo muuqanin, sida uu BBC-da u sheegay Dr Hiluf Abate.

Arrintaas ayaa dhakhaatiirta u sahashay inay dawooyin ku billaabaan xilli hore, ayna si dhow ula socdaan xaaladdiisa.

Dr Hiluf ayaa sheegay in afar maalmood kaddib markii la dhigay isbitaalka Yeka Kotebe ay xumaatay xaaladda caafimaad ee Aba Tilahun, maadaama uu fayraska ku fiday jirkiisa, waxaana lagu xiray qalabka neefta ku caawiya dadka.

Isku darka 14 maalmood ayuu ku jiray isbitaalka, qalabka neefta ku caawiyana waxaa lagu xirayay in a badan hal isbuuc.

Itoobiya oo ka mid ah dalalka xayiraadaha adag u soo rogay fayraska corona awgiis ayaa laga xaqiijiyay in ka badan 5,000 oo kiis iyo 81 dhimasho.

Xilliyadii ay xaaladda adkeyd

Inkastoo isbitaalka Yeka Kotebe uusan xaqiijin karin in bukaankiisa uu jiro 114 sano, haddana dhakhaatiirta waxay sheegeen inuu ka weyn yahay 100 sano, iyagoo da’diisa ku qiyaasay ilaa 109 sano.

Isagoo dhalinyaro ah ayuu tagay magaalada Addis Ababa kaddib markii uu ka guuray koonfurta dalka Itoobiya, waddankiisana wuxuu kusoo noolaa xilliyadii xaaladda adkeyd.

Wuxuu goob joog u ahaa qabsashadii Talyaaniga intii u dhaxeysay 1935-kii ilaa 1941-kii, afgambigii boqortooyadii Haile Selassie ee dhacday sanadkii 1974-kii, burburkii maamulkii Derg ee 1091-kii iyo hadda oo uu ka badbaaday cudurka Covid-19.

Afar sano ayuu ahaa wadaad diimeed ka tirsan Kaniisadda masiixiga ee dalka Itoobiya.

“Aba” waa xilka baadariyaasha sare la siiyo.

Laakiin markii uu da’da yaraa wuxuu ahaan jiray nin ka shaqeeya korontada, rinjiyeynta guryaha iyo howlo kale, sida uu BBC-da u sheegay wiilka uu awoowga u yahay ee lagu magacaabo Binyam Lulseged Tilahun – oo 24 jir ah.

Wuxuu sheegay in awoowgiis ay xaaladdiisa caafimaad aad u wanaagsaneyd fayraska ka hor, laakiin hadda markii uu cudurka ku dhacay uu codkiisa daciifay, wax dhibaato ah oo kalena uusan qabin hadda.

Si loo yareeyo fiditaanka cudurka, dowladda Itoobiya waxay sharciyo cusub soo saartay bishii April, waxaana la xiray dhammaan goobaha waxbarasada. Sidoo kale waxaa la mamnuucay isu imaashada dadka badan iyo munaasabadaha ciyaaraha. Waxaa kale oo la yareeyay tirada dadka raaca gaadiidka dadweynaha.

Hase yeeshee ganacsiga ayaa si caadi ah u furnaa.