Ethiopia Oo Khasaare Badan Kasoo Gaadhay Laydhka Ay Ka Joojisay Djibouti & Sudan

Addis Ababa (JigjigaOnline) –  Dawladda Ethiopia ayaa khasaare lacageed oo badan kasoo gaadhay laydh yaraanta soo food-saartay.

Dalka Ethiopia ayaa bilihii ugu dambeeyey waxa ka jirtay dhibaato dhinaca laydhka ah, kaddib markii ay hoos u dhaceen biyaha dhaamka lagu magacaabo Gibe 3 oo dabka ugu badan laga dhaliyo.

Wasiirka Biyaha iyo Korontada ee Ethiopia, Seleshi Bekele ayaa Jimcihii shaaciyey sababta keentay laydhka la’aanta oo dhaqaale badan uu dalku ku waayey.

Wasiirku waxa uu sheegay in biyo yaraanta dhaamkani sababtay in korontadu ay is dhinto 476 megawatts, taasina ku qasabtay inay joojiyaan laydhkii ay siin jireen dalalka Djibouti iyo Sudan oo sannadkii ay kasoo geli jirtay lacag ka badan 82 milyan oo dollar.

Labada dal ee Djibouti iyo Sudan ayaa Ethiopia ay siin jirtay laydh jaban, laakiin illaa bisha July ee sannadkan ayaa ay laydh la’aan ahaan doonaan.

Ethiopia maaha dalkii ugu horreeyey ee Afrika ku yaalla ee laydh la’aan soo food-saarto, waxaase ka horreeyey dalalka Zimbabwe iyo South Africa oo laydh yaraan ba’an haleeshay.

Be the first to comment