Erdogan: Ma dunida carabta ayaa u dooratay inuu yahay Geesiga Turkiga?

Sawirka madaxweyne Trump waxaa ku xiga cinwaan ah: “Wuxuu aqlabiyad ballaadhan uu ku hoggaamiyaa toddoba dal.”

Cinwaankan la yaabka leh, ee sawirkiisa la raaciyey ayaa loo tarjuntay mid sawir ka bixinayo doonitaanka uu Mr Erdogan uu ku doonayo inuu wakhti dheer uu hoggaanka u sii hayo dalka Turkiga, balse wargeyska maalinlaha ee afka dowladda ku hadla ee Aksam ayaa wuxuu si taxana ah uu u tabinayey natiijada doorashada Talaadadi ka dhacday magaalada Istanbul.

BBC Arabic iyo Shabakadda cilmibaadhista carabta ee Barometer oo daraasad si wada jir ah u sameeyey waxay soo xigteen fikirka ay taageerayaasha Erdogan wargeyskaasi isku dhaafsanayeen.

Xisbiga Erdogan ee AK waxaa argagax iyo lama filaan ku noqotay guul darradi uu kala kulmay doorashada siyaasadda dalka Turkiga muhiimka u ahayd ee lagu doranayey Maayarka Istanbul, waxaana wargeyska lagu baahiyey sawirro badan oo hoggaamiyaha Turkiga sumcadda uu carabta ku leeyahay lagu muujinayo.

Daraasaddu laguma soo qaadan dhammaan waddamada carabta oo dhan, balse waxaa lagu soo qaatay 10 dal oo carbeed, daraasaddanna waa tii ugu weyneyd oo la sameeyo.

Daraasaddan waxaa laga qayb geliyey oo wareysiyo laga qaaday 25,000 oo qof oo ka soo kala jeeda 10 dal oo carbeed oo Bariga dhexe, Waqooyiga Afrika iyo Falastiin ku kala yaalla, daraasadda oo socotay inta u dhaxeysay dabayaaqada 2018-kii ilaa iyo 2019-ka.

Ansixinta qiimeynta

Su’aalaha daraasadda lagu soo qaatay oo loo soo bandhigay dadka daraasadda laga qayb geliyey ayaa waxaa ka mid ahayd sida ay shacabka Carabta u arkaan Madaxda dalalka Mareykanka, Ruushka iyo Turkiga.

Natiijada daraasadda ka soo baxday ayaa waxay noqotay inuu madaxweyne Trump kaalinta ugu hooseeya uu galay.

Waxayna dhammaan shacabka ku nool waddamada daraasadda qaybta ka ahaa codkooda iyo tageeradoodaba ay siiyeen madaxweyne Erdogan, mana jirin madaxweyne xataa ku soo dhawaaday.

11 dal oo daraasadda laga sameeyey 7 ka mid ah 50% waxay codkooda siiyeen Erdogan inuu yahay Geesi.

Aragtida ugu horreysa, waxay u muuqan kartaa iney dadweynaha Carabtu ay aad u jecel yihiin hoggaamiyaha Turkiga, Maadaamaa uu Muslim yahay waddamada sida weyn looga taageerayna ay ku nool yihiin dad aaminsan diinta Islamka.

Xaqiiqda waa sidaa, wixii intaa ka soo hara taariikhda ayaa sheegi doonto.

Xiriirka Carabta iyo Turkiga u dhaxeeya ilaa iyo wakhti dhow wuxuu ku saleysnaa colaad iyo isaamin la’aan.

Xilliyadi adkaa ee laga soo gudbay

Ugu horreyn, Turkiga iyo Carabta waa dad qowmiyado kala duduwan ka soo kala jeedo isla-markaana afaf kala duwan ku hadla. Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo qarniyo ka soo talin jirtay Bariga dhexe intiisa badan iyo Waqooyiga Afrika, waxay ahayd quwad Turkiga oo ay shacabka carbeed ku eedeeyaan iney ka horistagay iney iyagu iskood u madax bannaanaadaan.

Maanta, magaalada Beirut oo ka mid ah magaalooyinka ugu caansan magaalooyinka carabta oo xuddunta bariga dhexe ku taallo, taaiikhda waxay la wadaagtaa wax badan oo waxaa ku yaalla fagaara loo yaqanno fagaaraha shahiidinta oo lagu xusuusto geesiyada qaranka oo ay dileen Cusmaaniyiinta Turkiga oo dalkaasi xukumi jiray.

Wixi ka dambeeyey boqortooyadi Cusmaaniyiintana xiriirka Cummaan iyo Turkiga u dhaxeeyo ma noqon mid soo wanaagsanaada.

Jamhuuriyadda Turkiga oo ka sameysantay boqortooyadi burburtay waxaa ka dhisantay dowlad cilmaani ah, waxayna hor istaagtay khilaafadi islaamka ee Istanbul ka talineysay taasoo argagax ku abuurtay kooxaha islaamiyiinta ee ka jiray waddamada bariga dhexe.

Turkida cusubna waxay diidday in la isticmaalo xarfaha carabiga oo ay boqortooyadi cusmaaniyiinta isticmaali jireen waxayna qaateen farta Laatiinka taasoo astaan muuqata u noqotay sida ay reer galbeedka ugu soo dhawadeen.

Arrimahaasi oo dhan ayaa meesha ka baxay tobaneyo sana ka hor marki ay sameysantay dowlad cilmaani ah oo leh ciidamo xoog leh oo Mareykanka gacan saar la leh waxay dhoolla tus militarina la sameeysay Israa’iil iyo waddamada kale ee gobolka.

Dhaleeceynta Israa’iil

Tani iyo marki uu 2002-dii uu xisbiga Erdogan ee caddaaladda iyo Horumarka ee AKP uu talada dalka Turkiga qabtay, siyaasadda Turkiga ayaa ayaa u wareegtay dhinaca islaamka, iyo iney dib u soo nooleyso danaha dunida islaamka iyada oo taariikhdeeda u mareyso, isaga oo doonayey inuu xiriir gncsi oo aad u adag uu la yeesho waddamada carabta si uu u kobciyo dhaqaalaha Turkiga.

Turkida hadda jirto, ee awoodda maamulka shacabka gacantooda uu ku jiro, Madaxweyne Erdogan wuxuu si cad uu uga soo horjeestay Rabitanka Mareykanka, isaga oo Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ugu yeeray hogaamiyaha “dal argagixiso ah”, marinka Qaza ee xiranna ku cambaareyey, dhibaatooyinka Qazana ku tilmaamay “Xabsi Furan”.

Marwan Muasher, oo horay uga tirsanaa hay’adda CEIP ee u dhaqdhaqaaqda nabadda ayaa wuxuu sheegay, inuusan la yaabeyn Hadallada Mr Recep Tayyip Erdogan ee neceybka Isra’iil ku saabsan, wuxuu sumacad badan uu kaga helay Dhulka Falastiin iyo Urdun oo ay qoxootiga Falastiiniyiinta ee ugu badan ku sugan yihiin.

Billowga hoosaasinta

Fehim Tastekin, oo ka faalloodaa arrimaha Turkiga oo wax ka baarty bariga dhexe, ayaa wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay inuu madaxweyne Erdogan waxa Israa’il ka aamisan yahay ay tahay mid dhib badan oo ay adag tahay in meel loo tiiriyo..

“Xagga ganacsiga markaan eegno xiriirka Israa’iil iyo Turkiga ka dhaxeeyo si deggan ayuu u socda” ayuu yiri, Balse “marka uu aqlabiyadda Carabta iyo fagaarooyinka Turkiga uu ka hadlayo Erdogan wuxuu iisu muujiyaa inuu yahay sida hoggaamiyaha G20 isaga oo Israa’iil cambaareeya shacabkana ugu yeera iney Israa’iil dhan ka wada noqdaan”.

“Arrintanna ama aha mid ay inta badan madaxda reer galbeedka arkaan.”

Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ee Turkiga intooda badan waxaa si weyn ugu kadsoomeen ninkan siyaasaddiisa horaba hoosaasinta ku soo billaabay, si uu u hantiyo taageera shacabka ugu badan ee dalkaasi isaga oo dadka uga dhigayo inuu Turkiga uu ka dhigayo dal cilmaani ah “Sidaa ayayna dadka ugu badan codkooda ku siiyeen.”

Dhanka carabtana waa in sida oo kale dib u milicsi lagu sameeyaa.

Xiisadda Masar

“Suudaan xilligii dunida inteeda kale laga go’doominayey uu waddankaasina ka talinayey madaxweynihi hore oo dhawaan xilka laga tuuray Omar al-Bashir, madaxweyne Erdogan wuxuu dalka Suudaan uu ka sameeyey maalgashi aad u badan” ayuu yiri Fehim Tastekin, shacabka Suudaanna abaalkaas wey u hayaan.

Natiijada daraasadda ka soo baxday marka la dhuuxo, Dalka Masar oo ah dal ay ku nool yihiin shacabka carabta ugu badan, waxay shaki weyn ka qabaan siyaasadda hoggaamiyaha.

15% oo keli ah ayaa shacabka Masar ka taageertay siyaasadda Erdogan taasoo caddeyneyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso Madaxweynaha Masar Abdul Fattah al-Sisi iyo Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Cilmibaadhe sare oo ka tirsan Arab Biometer, oo lagu magacaabo Michael Robbins oo wax ka dhiga jaamacadda Princeton wuxuu aaminsan yahay “Rabitaanka shacabka ee ah in xiriir wanaagsan lala yeesho Turkiga hoos ayey ugu dhacday Masar, Liibiyana waa la mid taasoo muujineyso sida looga soo horjeedo kooxaha islaamiyiinta ee dalalkaasi ka dhaqdhaqaaqa.

Madaxweyne Erdogan si aan rasmi ahayn wuxuu iisu garab taagay dhaqdhaqaaqi ikhwaanul Muslimiinta Masar, ee dowladda uu hoggaaminayey Mohammed Morsi soo dhistay, xilligaasi oo ay dalka Masar ka dhacday doorashadi ugu horreysay oo xor ah kaddib marki xilka laga tuuray madaxweynihi 29 sano hoggaanka dalkaasi soo hayey Hosni Mubarak.

Astaanta Afarta farood “Rabaa”

Erdogan oo ka soo jeeda qoys Muslim ah, Masar ayaa waxay cagta saartay waddadi guusha uu gaaray Erdogan Mid la mid ah.

Mudaharaadyo waaweyn oo dalka Masar ka billowday oo looga soo horjeeda xukumadda Morsi ayaa billawday, kaddib Morsi waxaa af gambiyey ciidamda dalkaasi oo uu hoggaaminayo General al-Sisi.

Erdogan markaa ayuu billaabay inuu adeegsado calaamadda afarta farood ee loo yaqaanno “Rabaa”, calaamaddaasi oo lagu xusuusanayo xubnaha iskwaanul muslimiinta ay ciidamada Masar dileen isaga oo astaanta ku muujiyo taagerada uu dadkaasi u hayo.

Erdogan oo si weyn uga soo horjeeda General al-Sisi oo hadda hoggaaminaya xukumadda Masar, al-Sisi ma noqon mid dib u soo noqdo oo la dhayalsan karo.

“Warbaahinta ay gacanta ku hayso xukumadda Masar sida ay Erdogan sawirka khaladan uga bixinayaan waxay muujineysaa aragtida xun ee laga qabo Erdogan” ayuu yiri Michael Robbins.

Fehim Teskan wuxuu sheegayaa “Madaxweyne Erdogan mowqifka cad uu iska taagay waxay gudaha Masar kaga furtay dagaal, “Marka dagaalka gudaha Masar ayaa waxay keentay in aragtida shacabka ee ku aaddan Erdogan iyo taagerada loo hayaba iney hoos u dhac uu ku yimaadda.”

Waddamada Tusaale loo soo qaadan karo

“Arrinta ma aha mid ka taagan Masar ama Liibiya balse Ciraaqna waa la mid, iyo waddamada u arko inuu madaxweyne Erdogan uu had iyo jeer la safan yahay Muslimiinta Sunniga ah.”

Kacdoonnadi 2011-ki ka dhacay waddamada Carabta intooda badan waxay dhalisay raja wanaagsan oo gobolka laga qabo, warbaahinta reer galbeedkana waxay si aad ah u buunbuuninayeen Turkiga iyaga dalka Turkiga ka dhigayey ‘dal ku dayasha mudan’.

Wargeyska New York Times, bishii Fabraayo ee snadkaasi wuxuu qoray aragti ku saabsan waddanka Turkiga wuxuuna yiri: “Dimuqraadiyad xoog leh” iyo “Hoggaamiya si xalaal ah loo soo doortay” iyo “waddan dhaqaalahiisa uu u dhigma kala badh dhaqaalaha waddamada carbeed oo dhan oo la isu geeyey.”

Siddeed sano kaddib , rajadii waagaasi la sheegay waxyar unbaa ka hirgaly.

Quusasho”

Turkiga wuxuu si tartiib ah uu uga leexanayaa tubta xorriyatul qowlka iyo dimuqraadiyadda, iyada oo dhaqaalha dalkasina wakhtiyadan dambe uu hoos u sii socdo.

Erdogan wuxuu jecel yahay reer galbeedka, wuxuuna iisu arkaa inuu yahay nin isbeddel ku sameeyey iney ciidamada Turkiga dimuqraadiyadda dalkaasi soo farageliyaan, haddana dadka qaar waxay u arkaan inuu yahay hoggaamiye waddan oo suxufiyiinta ugu badneed xabsi dhigo.

Fehim Tastekin, wuxuu leeyahay “waxay dunida carabta weli ay isha ku hayaan Erdogan, sababta oo ah uma jeedaan hogaamiyey kale oo Muslim ah oo xataa ku riyoonaya dimuqraadiyad iyo iney mustaqbal wanaagsan muslimiinta iyo dadka carabtaba gaaraan.”

“Intooda badan weli waxay ku dhaggan yihiin Erdogan, balse aniga waxaa ii muuqata iney quus gaareen” ayuu yiri “.