Dr Gaboose Oo Gantaallo Siyaasadeed Oo Culus Ku Ganay Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (JigjigaOnline) – Wasiirkii hore ee arimaha guddaha Somaliland Dr Maxamed Cabdi (Gaboose) ayaa so cadho leg uga hadlay xaaladda siyaasadeed we wakhtigan Jamhuuriyadda Somaliland marayso waxaana uu qodobo uu soo bandhigay Ku cabiray xaaladda caddaalad daro iyo amni ee maanta dalku Maraayo .

Siyaasi Maxamed Cabdi (Gabboose) ayaa mudo sheer oo uu Saaxadda Siyaasadda Somaliland ka maqnaa waxa uu so mug leh uga hadlay xaaladdaha isbarkan ee wakhtigan ay Somaliland Ku jirto isaga oo Warbaahinta talooyin u mariyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadiisa Xisbiga Kulmiye ee taladda dalka haysa.

Siyaasi Gaboose ayaa qodobadan soojeediyey.

1. Inaad meesha ka saarto nidaamka kooxeysan ee loo aanay-nayo
kala irdhaynta bulshada umaddana aad dhex u noqotid.
2. Inaad garawshiiyo iyo xaal ka bixisid deelqaafkii umadda ku dhaqan Sanaag-bari kasoo n Janaka Ciidamada Qaranka.
3. In aad mudnaan gaar ah siiso tabashadda goboladda, Awdal, Selel
Sool iyo Sanaag-bari kuwaas oo la’aantood aanay jiri karin Somaliland.
4. In aad aan adiga iyo bulshadda laydin kala waramin, ee aad albaabada u furto.
5. In aad hoos u eegtid cabashooyinka beelaha iyo raadadka ay reebtay doorashadii.
6. In aad ka waantowdid xadhiga wariyayaasha iyo cid walba oo fekerkeeda saliimka ah cabirta xoriyadoodina usoo celisid muwaadiniinta u xidhan aragtidooda.
7. In shirka laga iclaamiyay Burco looga faa’iidaysto turxaan bixinta beelaha.
8. In aad si dhaqso ah isugu yeedho waxgaradka iyo waayo-araga umadda, kalana tashato xaalada dalku marayo iyo sidii looga bixi lahaa.