Muxuu Yahay Doorka Indheer-garadka DDS Xilligan Xaasaasiga Ah?

Qoraalkan gaaban waxa loogu talagalay in gundhig loo dhigo daah-furka dood cilmiyeed ama afkaareed oo Itoobiya iyo Degaanka Soomaalida danahooda lagu gorfeynayo. Waa mid cid kasta u furan qoraal iyo cod ahaanba. Aqoon iyo asluub indheergarad oo cay iyo aflagaado ka reeban tahay ayaa xeer inoo ah.

Indheergarad waa labeenta bulshada ee meel dheer wax ka arka oo aan ku mashquulsaneyn hawlmaalmeedka iyo dhacdooyinka maalinlaha ah oo keliya. Dhanka siyaasadana marka laga eego waa qof aan ku mushquulin inta badan siyaasada maalin-la-noolka ah, ee waa kan oddorasa islamarkaana dareensiiya bulshada marxaladaha xiga xaalada hadda lagu suganyahay.

Laakiin dadka badankoodu waxay si fudud ugu qancaan dhacdooyinka xiliyada dhow, ee dan badan kamalaha kuwa mustaqbalka fog madaama ay hubin karin waxa mustaqbalku keeni doonto. Maanta wax qanciya haday helaan tan beri way u samrayaan. Fahamka waxa beri imanaya dadka badankoodu inay gartaan awood uma laha. Indheergaradku waa kan dadka u bidhaamiya, jaheeya, baraarujiya  islamarkaana ku haga waxa mustaqbalku u keeni karo. Waa midka bulshada udiga halista ku soo fool leh iyo waxa looga gaashaaman karo. Waa kan ficil ku muujiya afkaarta uu aaminsanyahay, diyaarna u ah inuu u huro naftiisa.

Itoobiya isbedelkii ka dhacay waa mid rajo iyo yididiilo mustaqbal wanaagsan inoo  bidhaamiyey. Waa mid hadda uun bilow ah oo aan weli meesha uu ku biyo shuban doono lawada garan. Wanaag badan oo la arkay waxa hareeyey dhiilooyin murugo leh. Xaalad jahawareer ah iyada oo lagu jiro waxa maantana soo kordhay aafada cudurka Koroonaha oo sababey in dalka xaalad degdeg ah la geliyo. Waxaana uu mugdi sii galay mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo kan degaankaba, madaama aanay cadeyn sifada dalka lagu maamulayo marka laga gudbo xaaladan degdega ah.

Waxa kale oo intaa dheer, xaaladan degdega ahi waxay laashay doorashadii dalka ka dhici lahayd bisha Agosto ee sanadkan taas oo loo hanweynaa inay ka curato xukuumad shacabku si demuqraadiyad ah u soo doorto islamarkaana bedesha midan hadda talada haysa. Xaaladan waxa lagu tilmaami karaa inay tahay mid hakad gelisay geedi socodkii isbedelka dalka ka hanaqaadey. Si kooban haddii loo dhigo “kooma” siyaasadeed ayuu dalku galay.

Haddaba, maxaa muddan in Indheergardka DDS ku mushquulaan xilli xaadirkan?

Si ay u cadaato waxa mudan in lagu mushquulo mustaqbal ahaan, waxaa haboon in aan qeexno waxa hadda aan ku lumino waqtiga qaaliga ah iyo juhdiga indheergaradkeena. Waxa juhdi badan iyo waqtiba aan ku luminaa madaxtooyad maxaa ka soo yeeray, sdee xukuumadaan looga takhalusi, maanta maxuu MW Mustafe ku hargaley, naqdinta oraah ka soo yeedhay hogaaminta sare iyo weedho maalayacni ah. Hogaaminta sare ee xukuumaduna weerar celinta xogaha baraha bulshada ku daabacan ayey xilkii loo igmadey kaga mashquulaan.  Hadalka iyo qoraaladeenuba waa kuwa caadifadeysan. Caadifaduna waxay kaa indho tirtaa dhabta iyo arimaha masiiriga ah ee dalka iyo degaankaba. Dad yar oo si asluub leh wax u naqdiya oo hal-abuur afkaareed lehna kama marnin, laakiin waa fara kutiris.

Si kale markaan u dhigo, aan tusaale ku muujiyo halka aan juhdiga iyo waqtiga badan ku lumino ee aan kor ku soo sheegay. 20 bilood ka hor xasuusta, MW Cabdi Maxamud Cumar sidee looga takhalusaa ayaa la isugu habar wacdey. Cid isweydiisa majirin Cabdi markuu dhaco yaan ku bedelanaa. Gudoonku  wuxuu ahaa cidkasta oo timaada Cabdi mid dhaama ayuumbuu noqon.  MW Mustafe Muxumed Cumar oo aad loogu han weynaa ayaa si lama fiilaan ah Cabdi bedelay. Waxa lagu amaanay inuu yahay aqoonyahan, qoraa, halgamaa iwm. Duub xirkiisana Itoobiya iyo gayiga Soomaalida ayaa laga boogaadiyey. Yaa inoo dooray, muxuuse hal-door ku noqdey? Bal adiba garo!!.  Maantana dadbadan ayaa ku hawlan, oo ay ka midyihiin saaxibadiisii ugu dhowaa; sax iyo khalad waxay noqotaba in MW Mustafe la bedelo. Inkasta oo la sababeen karo waxa loo badelayo Mustafe, haddana waxaad moodaa in aan cagta saarey qaacidadii  “ Kanna saar, kanna siib” ahayd ee 30ka sano degaanku ku ka ledi waayey. Haddii meel dheer qadyada degaanka aan laga fiirin, waxaan ku xiiqaynaana ay tahay shaqsigii hadba kursiga ku fariisto, isbedel majire’e waa jugjug meeshaada joog.

Waa inaan fahamnaa waaqicga jira oo ah Cabdi iyo Mustafe midkoodna shacab ma dooran. Waa inaloo dooray. Nin dooran doorta ayey hogaamiye degaan ku noqdeen. Kan soo socdana dariiqan la bartay ayumbuu ku iman. Waa qaacido loo maleyey in danaha dalka lagu ilaalinayo. Waa arin nalala qabo oonu keli ku ahayn. Itoobiya waa hal dal oo laga xukumo hal meel. Demuqraadiyada waxa ka mudnaan leh sugida jiritaanka dalka. Waana danta muqadiska oo biri mageyda ah. Nidaamka federaaliga ahi waa mid maqaar saar ah laakiin danta wadajirka qowmiyadaha Itoobiya lagu ilaalinayo. Dastuurkuna waa qaanuun aadamu sameystay oo markii ladoono laa bedeli karo.

Waxaan filayaa in ay cadahay meertada siyaasadeed ee degaanku ku jiro iyo meesha juhdigeenu had iyo jeer ku abaaran yahay. Meertadan si looga baxo waa in indheergaradku talo hufan ku wacyigeliyaa bulshada iyo siyaasiyiinta degaanka. Indheergaradku waa inay aqoontooda iyo waaya aragnimadooda ku aadiyaan qeexida iyo ka talo ka bixinta arimahan hoos ku qoran oo waqti xaadirkan muhiimadooda leh:-

  1. Sidee ummada degaanka looga samatabixin cudurka koronaha? Raadreebka cudurkan wuxuu noqon karo iyo sida loo xalin karo saameyntiisa haddii ay noqoto dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo Arimaha bulshada. Waxa aafada koroonaha ku soo daba jira dhibta ayaxa ee soo laba- kacleysay oo saameyn culus keeni karta. Maxaa lagu dabiibayaa dhiilada ka dhalata ayaxa? Sida la saadaalinayo dunida, dalka iyo degaankuba sii ahaan maayaan sidii ay ahaayeen ee ka horeysay Koroonaha.
  2. Wadan ahaan Xukuumada Dr. Abiy waxay sharciyan ama dastuuriyan jiri doontaa mudo lixbilooda. Xaalad degdeg ahna waa lagu jiraa. Waxaana aad u suuurtagal ah in la dhiso dowlad wadaag ah oo ku meel gaar ah.  Ama waxa lagu talo jiraa in la helo qaab kale oo dalka lagu maamulo. Kaalinta degaanku maxay noqon doontaa? Xiriirka Dowlada federaalka iyo Degaanadu muxuu noqon doonaa? Awood iyo kheyraadka  sidee loo qeybsan doonaa? Xukuumada degaanka side loo dhisayaa? Xisbiga PP ama Barwaaqo, nidaamaka federaaliga ee dalka ka jira  muxuu ku kordhin am ka dhimi, mise wuuba ka tanaasuli? Waa arin u baahan xigasho waaya arag rug cadaa ah, aqoon ku saleysan taariikhda xukuumadeed ee dalka iyo degaanka iyo falanqeyn siyaasadeed.
  3. Hogaaminta degaanka ee hadda jirta mudada uga harsan xukuumada Dr. Abiy ayaa iyagana u harsan. Lix bilood ugu badnaan, waqti dheer ma aha. Marka fogaataa ama dhowaataa Mustafe iyo xukuumadiisu meesha wey ka bixi kartaa. Hogaamiyaha xiga DDS waa kee? Hadafka dowlada lagu hogaaminayo maxay tahay oo Cabdi ka roone Mustafe uu qaban waayey, laakiin Mustaf ka roonaha soo socdaa inuu qabto laga dhowrayo? Halddorada loo igman karo jagadan waa kuwee?
  4. Sadexda dhadhaar ee dowladu ku fadhido qeybta fulinta mooyee labada kale waa maqaar saar. Waxaana tusaale fiican u ah dhacdadii dhowaan Afhayeenka Goalaha xildhibaanadu shaqada kaga tagay. Sidee ficil ahaan looga hirgelin karaa degaanka wada shaqeynta sadexdan dhadhaar oo siman oo mid walba uu guto xilka loo igmadey?
  5. Mandaqada Geeska Afrika maxaa ka dhalan kara marka lala xiriiriyo jawiga cusub ee caalamku galayo iyo danaha quwadaha waaweyni ka leeyihiin marinka Badda cas? Dowladaha deriska siyaasadahooda iyo xukuumadaha ka taliya maxaa iska bedeli kara oo saameyn nagu yeelan doona?

Suaalahan si jawaab loogu helo waa in dad indheegarad ah sameeyaan “Gole mufakiriin ama hal abuurayaal” (Think tank” council). Xubnaha Golahani waa dad mutadawiciin ah (volunteers ). Aragtida iyo istrateejiyada ay isla meel dhigaan ayay bulshada iyo siyaasiyiinta u bandhigi doonaan. Taas oo hadafka laga leeyahay uu noqon karo in la helo barnaamij dhan walba leh oo isbedelka degaanka iyo dalkaba lagu hago looga qeybqaadan doono. Haddii kale wax cidkale ay ka soo fikirtay oo laguu diyaariyey ayaa laguu yeerin. Sidani waxay xadideysaa dowrka aan ku leenahay isbedelka dalka kasocda.

Be the first to comment