DOOBBIILIHII JIGJIGA Oo Raadinaya Madaxweyne Mustafe, Ballanqaadkii Madaxtooyadu U Samaysay Oo Aan Fulin Iyo Qisada Noloshiisa Oo Dhamaystiran

Jigjiga (JigjigaOnline) –  Sidiiq Faarax Haybe ayaa qabsaday baraha bulshada iyo barkulamada dhallinyarada, kaddib markii ay maqleen inuu magaalada Jigjiga ee caasimadda Dawladda Deegaanka Soomaalida uu ka furtay meherad dharka lagu maydho, taas oo uu kala kulmay caqabado badan oo dhinaca qoyskiisa iyo bulshada kaleba ah.

Sidiiq waxa uu 17 sannadood ah ku maqnaa qurbaha, waxaana muddadaas uu la kulmay dhibaatooyin badan oo nololeed iyo dhaqan iskugu jiray kaddib markii loo diiday in la siiyo sharci uu ku joogo dalalkii uu iska dhiibay, taas oo keentay in ugu dambayn uu dib ugu soo laabto waddankii uu tahriibka kaga tegay isagoo aad u da’ yar.

Shaqada uu Sidiiq bilaabay ayaa waxa kasoo horjeedsaday qoyskiisa, waxaanay ka codsadeen inuu xidho iyagoo ku sababeeyey in sharaf ahaan aanay ahayn mid u qalanta oo ay uga hanweyn yihiin, sidoo kalena aanay Soomaalidu qabanin shaqooyin noocaas ah.

Arrintan ayaa waxay soo jiidatay indhaha bulshada, waxaanay keentay in telefishannada iyo idaacadda BBC laga baahiyo, halkaas oo ehellada Sadiiq ay mar kale ka caddeeyeen in aanay raalli ka ahayn in shaqadan uu sii wado.

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa markii uu maqlay sheekada Sidiiq waxa uu kula kulmay qasriga madaxtooyada, waxaana uu ku hambalyeeyey go’aanka geesinimada leh iyo ku-dhiirrashada shaqada Doobbiga ama dhar-dhaqista ee uu bilaabay, iyadoo uu u ballan-qaaday inuu u iibinayo qalab casri ah oo uu shaqadiisa horumar kaga samayn karo.

Madaxweyne Mustafe waxa uu amar ku siiyey masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa inay Mishiino casri ah u iibiyaan Sidiiq, laakiin illaa hadda waxba may soo gaadhin muwaadinka uu madaxweynihiisu ballanta u qaaday.

Warbaahinta JigjigaOnline ayaa Sidiiq kula kulantay magaalada Jigjiga, waxaana uu xog warran naga siiyey qisada noloshiisa ee illaa heer carruurnimo, qurba-joognimo iyo dibu-soo noqashadii sababtay inuu shaqada adag ka bilaabo dalkiisa.

Sidiiq Faarax Haybe oo ugu horreyn ka sheekaynaya noloshiisii carruurnimo, illaa uu ka gaadhayey dalka Talyaaniga oo uu tahriib ku tegay, waxa uu yidhi: “Waad mahadsan tihiin Jigjigaonline. Waxaan quraanka ku bartay iskuulkana ku dhigtay Magaalada Qabridahare. Sannadkii 1999-kii ayaan tegay Kenya oo aan ka galay madarasad, waxaanan joogay afar sannadood iyo badh. Aniga oo Xerow iska ah ayaa waxa igu dhacay Buufis (Tahriib), Itoobiya ayaanan kusoo noqday January 2003, waxaan usoo dhaafay Jigjiga oo aan uga sii gudbay Addis Ababa illaa Sudan. Bishii saddexaad ee 2003 ayaan gaadhay Libya, kowdii bishii afraad ee sannadkaasna waxaan galay Talyaaniga.

Libya xilligaas wax dhibaato ah kama jirin marka laga reebo qolyaha baabuurta oo dadka ka baxsada. Anagana marbay nagu dhacday in noolka lanagala baxsaday intay qoladii baabuurku shidaal baan doonanaynaa nagu yidhaahdeen. Qofka Soomaaliga ah waxa uu waqtigaas Libya ka qaadanayey kaadhka Midowga Afrika oo Somaliya ka mid tahay ama ka Jaamacadda Carabta, wax kale oo dhibaato ahna maanu arag.”

Sidiiq oo u waramaya Jigjiga Online

Markii uu Sidiiq tegay waddanka Talyaaniga waxa laga dhigay faraha, waxaana la kala dooransiiyey inuu sii joogayo iyo inuu uga sii gudbayo Yurubta kale, waxaana uu doortay inuu u dhaqaaqo dhinaca Norway oo uu bidayey inay ka nolol wanaagsan tahay Talyaaniga.

Laakiin maadaama da’diisu yarayd, xogna aanu ka haynin qaabka loo maro waraysiyada qaxootinimo ee marka dal shisheeye layska dhiibayo, waxaana isaga oo aan diyaar u ahayn uu markiiba toos u abbaaray Booliska oo iyaguna waraysi ku bilaabay, halkaana waxa uu ka sameeyey qalad la xidhiidha xogtii uu dhiibay, taas oo sababtay in safarkii dheeraa ee uu u maray qaaradda Yurub uu muddo kaddib ku dhamaado mugdi.

“Muddo bil ah ayaan ku sugnaa Talyaaniga oo faraha layga dhigay, waxaan galay Faransiiska oo aan uga sii gudbay Holland oo aan baabuur tahriib ah kasii raacnay, waxaana tagnay Denmark oo aan usii dhaafay Norway oo aan ku beegmay xilli qabow ah. Kaliday ayaan socday, wax qaraabo ahna iigamay horreynin, isla markiiba waxaan toos u abbaaray Booliska iyadoo aanay waxba ii diyaarsanayn oo waraysi aanan ku talo-gelin, dhibaatada ugu weyn ee i heshayna halkaas ayay ka bilaabantay. Boolisku baadhitaan ayay igu bilaabeen, faraha ayay iga qaadeen, xero qaxooti ayaanay ii gudbiyeen. Laba toddobaad kaddib ayaa waraysi kale oo qoraal ah lanaga qaaday, saddex bilood kaddibna waraysigii weynaa. Waxay markaas ii qaadeen magaalo la yidhaahdo Hashta oo ku taalla xuduudka Norway iyo Ruushka oo aad u qabow, halkaas ayaanan laba sannadood iyo badh ku jiray, laba jeerna la iigu diiday in sharciga la isiiyo.” Ayuu yidhi.

Intaas kaddib, Sidiiq waxa uu ku wareeray noloshii qallafsanayd ee uu la kulmay iyo in sidii uu filayey ay u noqon weyday hammigii uu ka filayey qaaradda Yurub, waxaana isaga oo ka hadlaya uu yidhi: “Meeshii ayaan ku wareeray oo aan iska rafaaday. Internetka ayaan iska geli jiray, waxaanan ka ogaaday in magaalo Darama la yidhaahdo ay ku nool yihiin dad reer Qabridahare ah, iyagii ayaa I casuumay oo aan u imid. Shaqo suuq madow ah ayaan bilaabay. Nin Hindi ah ayaan dukaan u hayay oo lacag aad u yar oo mamnuuc dalka ka ah uu isiinayey. Shaqo kale ayaan uga gudbay oo dawladdu ii ogolaatay, halkaas ayaan ku guursaday.”

Dalka Norway waxa uu muddo kaddib u ogolaaday Sidiiq inuu shaqo fiican raadsado, waxaana u suurtogashay inuu muddo lix sannadood ah shaqaysto iyadoo aanu wax dhibaatooyin ah la kulmaynin, muddadaasna waxa uu guursaday gabadh deggan dalkaas oo u dhashay carruur, laakiin waxa uu isku dayey inuu mar kale isku dayo inuu dooddiisii hore ee sharciga loogu diiday dib u furo, waxaanu qabsaday qareen u dooda.

“Aniga oo iska shaqaysanaya ayaan dacwad furtay laakiin waxay Norway igu amartay inaan saddex toddobaad dalka kaga baxo. Way i qabteen oo Talyaaniga ayay igu celiyaan, halkaas ayaan sharci degenaansho lix bilood ah ka helay, haddana dhuumasho ayaan Norway igu laabtay. Waxa xusid mudan in muddadaas aan laba jeer iska dhiibay Sweden oo ay isoo diideen.  Noloshii Talyaaniga waan ku qanci waayey oo waxaan arkay dad badan oo Soomaali ah oo Kaniisadaha cuntada ka cuna oo ku tiirsan.”

Gedgeddoonkii waayuhu wuxuu Sidiiq geliyey Jeel ku yaalla magaalada Roma oo uu ku xidhnaa muddo siddeed bilood ah, waxaana intii uu xidhnaa uu go’aan ku gaadhay inuu dib ugu soo laabto dalka.

“Jeel ayaan markaas kaddib galay oo aan muddo siddeed bilood ah ku xidhnaa, lacag yar oo aan jeelka dhexdiisa ku urursaday ayaan markii la isoo daayey diyaaradda kusoo raacay oo aan Addis Ababa ku imid.”

Markii uu Sidiiq Faarax Haybe dib ugu soo laabtay dalka oo uu ka maqnaa muddo 17 sannadood ah, waxa ku adkaatay inuu la qabsado noloshii iyo bulshadii, waxaanu tegay Hargeysa oo uu u dhaafay Garoowe, Muqdisho illaa Nairobi, waxaana safarkaas dheer kaga baaba’day lacag yar oo uu sitay markii uu dalka kusoo laabtay.

Waxa markaas kaddib uu go’aan ku gaadhay inuu salka dhigo magaalada Jigjiga oo uu isku dayo inuu nolol cusub ka bilaabo.

“Markii aan halkan imid meel aan nolosha ka bilaabo ayaan garan waayey, lacagtii yarayd ee aan sitayna waxay igaga dhamaatay safarkii. Markaas ayaan go’aansaday inaan Jigjiga iska dego, waxaanan furay maqaaxi shaaha lagu iibiyo. Magaalada lamaan haysanin, waxaanay maqaaxidaydii ku beegantay maqaaxi kale oo caan ah waanay ii socon weyday. Waxa aan uga wareegay dukaan yar oo muddo lix bilood ah isagana aan waday.”

Markaas kaddib waxa uu qaatay go’aan uu ku furayo meherad nooceeda aanay dadka Soomaalidu ku badnayd, taas oo ahayd Doobbi dharka lagu maydho oo uu ku bilaabay in gacantiisa uu dharka ku dhaqo.

“Markii dukaankii ii socon waayey ayaa fikiray oo aan nafta weydiiyey shaqo aan lacag ka heli karo, waxaanan ogaaday in dhar maydhista aanay Soomaalidu shuqulba ku lahayn, waxaanan go’aansaday inaan doobbi furo. Maan awoodi karaynin inaan mishiino soo iibsado, waxaanse soo qaatay laba baaf, xadhkihii dharka lagu wadhayey iy waxyaabo yaryar oo kale. Waxa aan shaqaalaysiiyey wiil iyo gabadh Soomaali ah oo midna dharka ila dhaqo midna caawiyadda/feerada. Muddo laba bilood ah markii aan shaqaynayay ayaanu qasaalad soo iibsanay, biilkayagana waanu ka helnaa saddexdayaduba.”

Meheraddan uu furtay ee Doobbiga, waxay horseeday in ehelladiisa ay kala go’aan oo ay kasoo horjeedsadaan maadaama dadka Soomaalidu aanay ku badnayn shaqooyinka noocaas ah, laakiin isagu go’aankiisa ayuu ku taagnaa, waxaanu illaa hadda ka shaqaystaa meheraddaas.

“Caqabadaha ugu waaweyn waxay yimaaddeen markii telefishanka ay dadku ka daawadeen anigoo marna dharka dhaqaya marna kaawiyadaynaya, waxayna la yaabeen in nin 17 sannadood qurbaha ku maqnaa uu halkan (Jigjiga) baaf dhar lagu maydhayo dul fadhiya, caqabadda ugu weyna waxay igaga timid qaraabada, halka dad kalena iisoo hambalyeeyeen. Kaddib ehelku waxay iga dalbadeen inaan joojiyo shaqadan, waxayna ii sheegeen inay qaadhaan ii ururinayaan oo ay I caawinayaan, aniguna waan ka diiday, waxaanan u sheegay inaanan uga baahnayn qaadhaan laakiin ay dadka u baahan u ururiyaan, anigana iga qaadaan qaadhaanka si la mid ah dadka kale.” Ayuu yidhi.

Sidiiq ayaa waxa markaas kaddib waraysatay idaacadda BBC, waxaana dunida ay gaadhsiisay sheekadiisa iyo ehelladdiisa oo iyaguna isla idaacadda u sheegay sida ay uga soo horjeedaan shaqaada uu wiilkoodu hayo.

Waxa kale oo arrintan maqlay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo usoo diray baabuur si toos ah u geeyey madaxtooyada xiilli uu madaxweyne Mustafe ku sugnaa xafiiskiisa oo isaguna soo dhoweyn iyo dhiirigelinba siiyey.

“BBC-da ayaa ii timid oo ehelkaygii iyo xaaskaygii la kulantay, waxaanay u sheegeen in aanay ku qanacsanayn shaqada aan hayo. Arrintan aad bay Soomaalidu uga falcelisay, dad badan ayaa ila soo xidhiidhay oo ii sheegay inay I caawinayaan oo ay mishiino casri ah iisoo iibinayaan, aniguna waan ka diiday. Qaar kale ayaa iga dalbaday inaan muuqaal iska soo duubo oo ay lacago iisoo ururinayaan, taasna waan ka diiday. Markii dambe dadku way fahmeen inaan ahay nin shaqaysanaya, hambalyo badanna way isoo gaadhay.

Madaxweynuhu gaadhi buu iisoo diray, wuu i qaabilay, xaaladdayda iyo waayihii qurabaha ayuu iga waraystay, wuu ii hambalyeeyey, waxaanu ii sheegay in shaqooyin naadir ah oo laga faano inaan bilaabay ayna geesinimo tahay, in dhalleecayntii iyo caqabadihii aan waajahay uu maqlayna wuu ii sheegay. Waxa kale oo uu ii sheegay inaan xaq u leeyahay in la I dhiirigeliyo, waxaanu ii ballanqaaday in mishiino casri ah iyo loondari uu ii iibinayo.”

Laakiin amarkii Madaxweyne Mustafe siiyey masuuliyiinta ee ahaa in muwaadinka ay u iibiyaan mishiinnaddii casriga ahaa ee uu u ballanqaaday wali waxba lagama hayo, waxaanay u sheegeen Sidiiq in aanay jirin wax la isasiinayo laakiin ay lacag amaah ah u ogol yihiin, taas oo ka duwan hadalkii madaxweynaha iyo ballanqaadkiisiiba, waxaana Sidiiq oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi: “Wali la iima iibinin mishiinnadii uu madaxweynuhu ii ballan-qaaday, waxaana qoladii uu u xilsaaray ay ii sheegeen inaan la xidhiidho xafiiska Shaqo Abuurka iyo Dammaanad-qaadka cuntada ee magaalooyinka. Xafiiskiina waxa uu ii sheegay inay I dhiirigelinayaan oo ay ii ogol yihiin inaan lacag deyn ah qaato, aniguna waan diiday inaan qaato wax amaah ah. Waxay ugu dambayn ii sheegeen in qalab la isasiinayo aanu jirin ee ay tahay inaan deyn qaato.”

Sidiiq oo quus ka taagan ballan-qaadkii madaxweynaha ayaa waxa maqaaxi uu shah ka cabbayey oo ku taalla magaalada Jigjiga soo galay Madaxweyne Mustafe iyo ilaaladiisa, waxaana uu markiiba Madaxweynuhu gartay Sidiiq.

“Madaxweynaha mar dambe ayaan isku aragnay maqaaxi aan fadhiyey oo uu soo galay, waan salaamay, isaguna wuu I gartay, waxaanu I weydiiyey in qalabkii uu isoo gaadhay, aniguna waan u sheegay inaanan waxba helin. Maxaa dhacay buu igu yidhi, aniguna waxaan ku idhi ma garan karayo.”

Hadda, Sidiiq wax rajo ah kama qabo in ballanqaadkii madaxweynuhu u hirgelayo, rajo dambena kama laha in mar dambe ay kulamayaan, sababtoo ah, waxa uu rumaysan yahay in madaxweynihii baabuurka usoo diray ee ka kexeeyey badhtamaha magaalada illaa madaxtooyada ee waqtiga siiyey, ka dhegaystay sheekada noloshiisa iyo duruufihii qallafsanaa ee uu soo maray in ballanqaadkii uu sameeeyey uu baaqday oo uu ku dambeeyey deyn qaadashadeeda aanu jeclayn maadaama bixinteeda dhibaato ka iman karto.

“Walahi, ma garan karayo sida ay mar dambe ku suurtogeli karayso in aan la kulmo madaxweynaha, waxa se igu taagan oo aan doonayaa inaan caddeeyo arrinta ay dadku aadka ii weydiinayaan ee ah in wixii la ii ballan-qaaday aanan helin.”