Donald Trump Oo Lagula Taliyey In Saldhigga Milateri Ee Djibouti Uu U Wareejiyo Somaliland

Washington (JigjigaOnline) – Madaxii Hore Ee Wasaaradda Gaashandhiga ee dalka maraykanka u qaabilsana Barriga dhexe Michael Rubin Ayaa Kula Taliyay Maraykanku Inuu Saldhig Militery Oo Labaad Ka Samaysto Berbera

Qoraal dheer oo uu ku daabacay bogga (The National Interest) ee uu maamulo guriga Pentagon-ku, ayuu ciwaan uga dhigay “Waxaa la gaadhay xilligii maraykanku ay ka fekeri lahaayeen siday u hellaan meel istaraatiji ahaan u dhaanta saldhiga milatery ee Jibouti”

Mr. Rubin wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay “wakhtigan daruuri maaha inuu maraykanku mar qudha ka raro saldhigiisa militery dalka Jibouti laakiin waa in dalka maraykanku ka fekero qorshe labaad (plan B)”

Mr. Rubin isagoo sii wada lafa-gurka qoraalkiisa wuxuu si tixraac leh uga sheekeeyay taariikhdii hawl-gallada Militeryga ee dalka maraykanku ee dalka Jibouti oo soo bilaabmay horaantii 90-naadkii, markii taliskii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya dhacay, wuxuu qoraagu sheegay in ciidamadda maraykanku ay marka si ku meel gaadh ah u isticmaali jireen saldhiga militaryga ee Faransiisku ku leeyahay Djibouti.

Sannadkii 2001, ka dib markii weeraradii 9/11 dhaceen, ayaa xukuumaddii George Bush go’ aansatay inay saldhig military oo ku kacay balaayin dollar (Camp Lemonier) laga dhiso Jibouti, si maraykanku ula socdo dhaqdhaqaaqyada ururka Alqaacida ku lahaa dalka Yemen.

Qoraagu wuxuu sheegay in maraykanku sannadkii deeq ahaan u siiyo Jibouti lacag kaash ah oo dhan $35 malyuun oo dollarka maraykanka ah, iyo sidoo kale deeqo dhinaca militeryga ah.

Mr. Rubin wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in sannadkii 2016 kii uu Shiinahu ka dhistay Jibouti Saldhig Militery oo qiimahiisu ku kacay 600 oo malyuun oo dollarka maraykanka ah.

Taasi waxay jidka u xaadhay ayuu yidhi Mr. Rubin in Chinese ku ay saamayn laxaadleh ku yeeshaan dalka Jibouti, waxay siiyeen Jibouti qandaraas biyo macaan loogaga soo jiidayo Jibouti, dalka Ethiopia oo uu ku kacay 1 bilyan oo dollar, sidoo kalana waxay Jibouti siiyeen qandaraas labaad oo ceelasha gaasta ee dawlad deegaanka Soomaalida lagaga dhoofinayo marsadda Jibouti kaasi oo dakhli gaadhay 4 bilyan oo dollar uu sannadkii ka soo gallayo Jibouti.

Wuxuu Mr. Rubin qoraalkiisa ku sheegay in Chinese ku ay si joogta ah u laaluushaan qoyska ka taliya Jibouti, oo uu ku tilmaamay inay yahiin qoys musuq maasuqu biyo dhigay.

Wuxuu Mr. Rubin qoraalkiisa ku xusay in marsada Jibouti, ay shariikad dawladda Shiinahu leedahay damacsantahay inay la wareegto, wuxuu isweydiiyay marka siday macquul ku noqon karta in qallabka militaryga maraykanku isticmaalan oo ah mid xasaasi ah looga soo dajin kara deked ay Chinese ku maamulaan saamayna ku leeyahiin oo ah Dekedda Jibouti?

Wuxuu sheegay in maraykanku ka fekero jihadu uga wareegi lahaa Jibouti, isagoo fartana ugu fiiqay Berbera oo uu sheegay inay tahay istaraatiji ahaan meel aad uga muhiimsan Jibouti, “Berbera waxay hoos ugu jirta baabul mandabka, taasi oo u sahlaysa hawl gallada maraykanku inay si fudud u fulaan