Diyaarad rakaab oo la sheegay in ay bam wado oo lagu dalbay diyaarado dagaal

Ciidammada cirka ee Singapore ayaa labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah u diray diyaarad soo socoto oo wadda rakaab shacab ah ka dib markii la sheegay in bam uu saaran yahay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Bamkaas ayaase markii dambe la ogaaday in uu been yahay.

Diyaaradda oo ay saarnaayeen 144 ruux oo rakaabka ah waxaa lahayd shirkadda Scoot, duulimaad lambarkeeduna wuxuu ahaa TR385, waxay ka soo duushay Philippines Axaddii, markaas oo booliiska lagu wargaliyay halis ammaanka ku soo foolleh.

Wiil 13 jir ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa lagu eedeeyay in uu bamka beenta ah ka dambeeyay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Hadda booliiska ayuu kala shaqaynayaa baaritaanka ay wadaan, sida ay wararku sheegayaan.

Afhayeen u hadlay shirkadda Scoot ee laga leeyahay Singapore ayaa warbaahinta The Straits Times u sheegay in 144 ruux ee rakaabka ahayd iyo lix shaqaale ah ay si nabad ah u cago dhigreen garoonka Changi Airport.

Wasiirka difaaca ee dalka Singapore Ng Eng Hen ayaa mardambe sheegay “in Singapore ay hanjabaad kaste ay run u qaadan doonto inta laga xaqiijinayo in ay been tahay”.

“Labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa hareeraha ka maray diyaaradda, balse waxaa markii dambe caddaatay in waxa digniinta laga soo diray ay been ahayd” ayuu Facebook ku soo qoray Ng

“Sikastaba ha ahaatee, Ciidammada Cirka ee Jamhuuriyadda Singapore markaste heegan ayay ku jiri doonaan” ayuu intaas ku sii daray.