Dil Argagax Leh Oo Ka Dhacay Magaalada Jigjiga Iyo Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gacan Ku Dhiiglihii Falka Geystay

Jigjiga (Jigjigaonline) – Allah haw naxariistee laba qof oo muxtarim ah ayaa ku geeriyooday magaalada Jigjiga kaddib markii ay haleeleen xabbado uu kusoo furay nin ay ehel yihiin.

Ganacsade Xaaji Maxamed Cali-Mahdi oo ka mid ahaa odayaasha ugu magaca weyn magaalada Jigjiga iyo walaalkii Xaaji Yuusuf Cali-Mahdi ayaa geeriyooday markii uu xabbad ku furay nin sida la sheegay ay ehel yihiin oo duleedka magaalada ay ku booqdeen.

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, madaxda kale ee DDS, odayaasha iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qayb-galay aaska oo shalay ka dhacay isla magaalada Jigjiga.

Geeridan oo taabatay quluubta shacabka DDS ayaa waxa hadallo kooban ka jeeiyey qaar ka mid ah madaxdii aaska ka qayb-qaadatay iyo dadkii aqoonta durugsan u lahaa marxuum Maxamed Cali Mahdi oo ka mid ahaa tujaarta dalka, isla markaana si weyn u gacan qaban jiray dadka danyarta ah, dhallinyarada iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Magaalada Jigjiga ayay shalay u ahayd maalin murugo, waxaana meel kasta laga arkayey dad la murugaysan geerida naxdinta leh oo argagax gelisay shacabka.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ayaa xalay gacanta kusoo dhigay ninkii geystay dilka oo u baxsaday dhinaca Oromiya, balse lasoo qabtay.

Xaaji Maxamed Cali-mahdi ayaa waxa uu lahaa shirkadda caanka ah ee Al-Mahdi Group oo magaalada Jigjiga iyo Dawladda Deegaanka ka hirgelisay dhismeyaal caan ah.