Dhibaatada Qabyaaladda: Qabiil Darteed Ma Laguu Colaadiyey?

Waxa Qoray: Samatar Amiin Bade (Jigjiga Man)

Sheeko taxane ah: dhibka qabyaalada iyo laandheeranimada.

Hordhac :

Inuu “Qabiilku” yahay shay jira ilaa xaawo iyo adan, shaqsi kasta oo soomaaliyeedna hu’ la huwado u yahay xaga amaanka hantidiisa, iyo ka qeyb galka mawaaqirka dawlada kolkaas ka arrimasa hadba deegaanka ay ku sugan yihiin, Wallow dadku ay jecel yihiin in mataalada muwaarnimada lagu salaynin qabiil, doodan oo ah dood qurux badan, balse xaqiiqada ka fog, sababtoo ah qof soomali ah qabiil aan ku abtirsanayn ma jiro, dawlada deegaankeenuna waxay ku jaan go’an tahay nidaam-qabiilnimo, xaqiiqada jirta iyo rabitaanka leh aan ka guurno way isnaqdinaysaa (burinaysaa), fikirkaygana aan idiin raaciyee, waxaan ahay shaqsiyaadka doodaas nidaamka qabiilka ku salaysan in laga takhaluso dabada ka riixaya.

Haahaaheey, aniga oo samater ahba baa sidaas idin leh, waa ninka aad ku barateen dhawr sano kahor shaqsi qabyaaladeed oo caadifadaysan, waa run, shirar qabyaaladeed baan abuubulayay, ka qeyb galayay, ka dhex qudbadeynayay, duruufo jira awgadeed, sida shidadii iyo dhibkii siyaasadeed ee deegaanka wada saameeyey ayaa aniga iyo qabiilkayagaba nagu kaliftay inaan si qabiil isu abaabulno, una halgano dulmi-wadayaashii dhiiga shacabka ka macaashaysay, hadii markaa taas iga dhigtay qabyaaladayste xagaaga, so be it; balse hubaashiina shaambadaas ahayd “qabyaaladayste” waxay ka gadan tay wax magarato oo dhan, oo shacabkeenu u badan yahay, waana sababta igu kaliftay qoraalkan inaan maanta qoro.

Qabyaalada oo ah aalaa wax aan lagu dhalan ayaa ah cudur mar uun kugu soo booda, markaad inta badan hadlaysana hadii Kun Jeer aad midnimo iyo dawladnimo bilaa qabiil ah wanaageeda ka hadasho , iyo mida qabiilnimimada ku dhisan oo tolkaa ku xaqiran yahay, dulmiga xaqirkaas sheeg sheegto, labada tan dambe ayaa ka saameyn badan, laguguna xasuusan. Tusaale, inta badan Waxaan ka hadlaa in dawladii hore ay tacadi u gaysatay soomaalida dhamaan, balse hal maalin oo aan idhi qabiilkayga ayay bahdishay, laysay un baa la arkay, ka waran kumaakumkii jeer ee aan adiga qabiilkaaga u hadlay waxaa ka saameyn badatay halkaas mar, taasi oo kuu cadeynaysa baaxada iyo mugweynida saameynta uu qabiilku ku leeyahay bulshadeena, taas waxaaba ka sii daran, waxaad arki qaar dhex sabeynaya qabyaalada ay kugu eedeynayaan, ficilkoodu iyo hadalkoodu islama socdaan, kaaga sii darane kugu xukumi adiga falka qabyaaladaysnimo ee uu isagu samaynayo had iyo goor.

Waa run waa qirsanahay qabyaalad waa dhibteena ugu weyn maanta, masraxa siyaasada deegaankeena waxaa maanta ka widh widhaya waa midhaha qabyaalada, siyaasiin badan oo aan karti lahayna ay dabada ka qabiiladooda, qaarbaaba abuubulaya qabiilada si uu dawlada uga helo kursi, qaar kale oo isla qabiilka oo hada qabiilka muwaaqirka ugu jirina iyaguna abaabul Guul-wadaynimo wadaan, xaqiiqaduse waxay tahay siyaasiintaasii danta qabiilka ay ku awr kacsanayaan mid u soca ma jiro, midna waa kuri doon, ka kalena waa kursi difaac, labaduna faa’iido shaqsinimo iyo hormarinta naftooda iyo danahooda gaar ahaaneed, tusaale cad – car wakaase shaqsi dawlada ka tirsan oo hada muwaaqiirka kuugu jira oo danta guud ee deegaanka ama ta qabiilka uu ku matalo muwaaqiirka ka fikira sheeg. Haroo haroo.

Hadaba walaalayaalow, way dhacday inaan saami qeybsiga qabiilkayga aan u ololeeyo, dhib deegaanka saameeyeyna, waliba qabiilo kale ay ka dhib badnaayeen, labadaba aan u hadlay, laakiin kii qabiilkayga uun la xasuustay, way dhacday in qabiilaystanimo inta la igu shaambeedeey, hadh iyo habeen la iskakay laalaadiyey, way dhacday in qabiilkooda uu u hadlaa darteed ay Dad badan iigu qaadeen colaad, iyo takano badan, nasiib daro, kuwo ii qaadayna inta aan aqaan iyo inta aanan aqoon ay shan kun oo Jeer kabadan yihiin inta aanan aqoon, si kastaba ha ahaatee waxaan idiin hubaa waligay inaan qof qabiil Reer hebel ah waligay aanan cuqdadna u qaadin, xumaana una niyaysan, waliba waxaaban qabaa qofka qabyaalad dartii u dhibaateya ama xumaan u horseeda shaqsi soomaaliyeed inuu yahay cadaw.

Qabiilku inuu sun iyo boog yahay adigaa ka marqaati ah, waliba waxaan hubaa u hadlida qabiilkaaga iyo inta aad adigu qabiilkaaga u tartay inayna adiga kuu tarin, aan ka ahayn ka tirsanaasho. Waxay waliba u badan tahay sida aad uugu listo qabiilkaaga ama siyaasi qabiilkaaga ah inaan adiga laguugu hambaynin, taas waxaaba dheer dhibaatada siyaasi danayste oo qabiilkiina kuu soo gaadho inay ka badan tahay dheefta, si kale aan kuugu dhigo, dheeftu markay timaado waxaa qaadan inta idiin ku tun weyn, dhibku markuu jirrana waxaa suurto gal inuu adiga ka u badan kugu dhaco………… to be continued.

La soco qeybta labaad : qabiilkaaga dartiis ma lagu colaadiyay, iyaguna…….

Be the first to comment