Dhallinyarada DDS Oo Ku Baaqday in 72 Saacadood Aan Lagu Safrin Ethiopian Airlines

Jigjiga (JigjigaOnline) – Dhallinyarada Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa kulan ka yeeshay faquuq iyo takoor ay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines kula kacday dhallinyaro kasoo jeedda deegaanka.

Kulan maalintii Khamiista ka qabsoomay Jigjiga oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Dhallinyarada Deegaanka, ayaa waxay kusoo bandhigeen tacaddiyada ay Ethiopian Airlines kula kacdo Soomaalida, kuwaas oo iskugu jira takoor dhinaca shaqaalaynta ah iyo mid dhinaca qiimaha tigidhada & alaabta rakaabku qaataan ah.

Kulankan oo ay kasoo qayb-galeen dhallinyaro tiro badan iyo wax-garadka deegaanka, ayaa waxa hoosta laga xariiqay dhacdadii ugu dambaysay ee Shirkadda Ethiopian Airlines kula kacday afar arday oo Soomaali ah, kuwaas oo kusoo gudbay imtixaan ay shirkaddu ugu qaadanaysay tababar duuliye (Pilot training), hase yeeshee iyagoo imtixaankii ka gudbay haddana loo diiday inay tababarka ka qayb-qaataan.

Markii uu kulanku dhamaaday, waxa laga soo saaray baaq ku waajahan dhamaan dadka Soomaalida ah, kuwaas oo laga codsaday in muddo saddex maalmood ah aan la raacin diyaaradda, si ay u ogaadaan tacaddiga ay geysteen ee isir nacaybka ah.

Si kastaba ha ahaatee, bulshada Soomaalida ayey tahay inay oofiyaan bayaanka oo aanay ku safrin diyaaradda muddo 72 saacadood ah, si wixii hadda ka dambeeya aan loogu gefin xuquuqdooda, ayna u helaan fursadaha kasoo baxa diyaaradda si la mid ah qowmiyadaha kale ee dalka.