Derbi Jiif Xil Muhiim Ah Loo Magacaabay Oo Ka Sheekaysay Qisada Nolosheeda

Sabrina Cohen-Hatton ayaa laga dhigay madaxa kooxda dabdamiska iyo gurmadka deg degga ah ee ismaamulka West Sussex, oo ka tirsan UK.

Heerkan waxay kusoo gaartay waddo dheer oo ay usoo gashay nolosha xilligii ay dhowr iyo toban jirka ahayd, waxayna muddo 2 sano ah ahayd darbi jiirf ka dib markii ay xaalado adag soo wajaheen iyada iyo qoyskeeda.

Ms Cohen-Hatton ayaa xilal kala duwan ooh oose soo qabatay ka hor inta aysan noqonin madaxa ugu sarreeya ee waaxda ay ka shaqeyso.

Intii ay howshan ku guda jirtay waxaa u suurtagashay inay dhammeyso waxbarashada jaamacadda ee shahaadada PhD-da.

BBC-da ayey uga warrantay noloshii ay kusoo dulqaadatay.

“Maalin kasta oo ka mid ah muddo sannado ah waxaan ku noolaa xaalad nololeed oo u muuqatay inay tahay tii iigu darneyd ee abid isoo marta. Laakiin intii aan ku guda jiray shaqada dab damiska, waxaan heystay dad i aaminsan oo iyaga qudhooda qaadanayay waqtigooda ugu xun ee nolosha. Marka haddii si loo eego arrinteyda, waxaan doonayay inaan badbaadiyo dadka kale, iyadoo aysan jirin cid ku howlaneyd inay aniga I badbaadiso”, ayey tidhi.