Wiil uu dhalay Maxamed Siyaad Barre oo geeriyooday

Masqad (JigjigaOnline) – Mid ka mid ah wiilashii uu dhalay madaxweynihii hore ee Somaliya Maxamed Siyaad Barre ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday waddanka Cumaan, halkaas oo uu ku noolaa sannadihii ugu dambeeyey.

Xasan Maxamed Siyaad Barre oo loo yaqaanay Xasan Rubeeti ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday caasimadda waddanka Cumaan ee Masqad oo uu ku noolaa.

Xasan oo mar ahaan jiray Safiirka Somaliya ee Cumaan ayaan wax faahfaahin ah laga helin geeridiisa iyo waxa sababay, hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa waxay xaqiijiyeen in Xasan Maxamed Siyaad uu ku geeriyooday Cumaan.

Warbaahinta JigjigaOnline dib ayay idiinka soo gudbin doontaa wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha geerida Xasan Maxamed.