Sucuudiga Oo Ku Dhawaaqay In La Ciidayo

Maka (Jigjigaonline) –  Umadda Muslimiinta ayaa caawa u dabbaal-degaysa curashada bisha Shuwaal ee ah maalinta loo dabbaal-degayo Ciiddal Fidriga.

Waddanka Sucuudiga ayaa ku dhawaay in bishii laga arkay meelo ku yaalla dalkiisa, sidaas daraadeedna ay ciid tahay, taas oo xaqiijisay in bishii Ramadan ay ku dhamaatay 29.

Warbaahinta Jigjigaonline, waxay dhamaan umadda Muslimiinta ah leedahay ciid Mubarak Kulu Caam wa antum bil-khayr, waxaananu u rajaynaynaa in Allah inooga dhigo sannad barwaaqo iyo guulo ah oo ay Soomaaliduna badhaadhe gaadho.