Shirkii Xisbiga EPRDF Oo Furmay, Madaxdii Tigray-g Oo Ka Dareertay Iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Dhex Fadhiya

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Guddida fulinta ee xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee EPRF ayaa shir uga furmay magaalada Addis Ababa, kaas laga filayo inay kasoo baxaan qodobbo isbeddelo waaweyn ku samaynaya qaab-dhismeedka xisbiga.

Warar aan la xaqiijinin oo kasoo baxaya halka Shirku ka socdo ayaa waxay sheegayaan in Madaxda Tigraygu ay shirka ka dareereen kaddib markii cod loo qaaday qodobbo ay ku jiraan in xisbiga Magaca laga beddelo, taas oo ay si adag uga soo horjeedsadeen TPLF.

Shirkan oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Dalwadda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo guddoomiyaha xisbiga SDP, Ahmed Shide ayaa lagaga wada hadli doono xaaladda guud ee dalka, ammaanka, dhaqaalaha iyo doorashooyinka soo socda oo uu xisbigu loollan adag kala kulmi doono axsaabta mucaaradka ah ee isku-diiwaangeliyey inay ka qayb-galaan doorashooyinka 2020.

Madaxweyne Mustafe iyo Axmed Shide

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed oo shirkan ku baaqay, ayaa waxa uu dabada ka riixayaa in xisbigu talo iyo go’aamo muhiim ah ka qaato xaaladda dalku ku jiro waqtigan oo ka duwan middii hore looga bartay, iyadoo rabshado qowmiyadeed iyo kacdoono ay ka jiraan deegaamada qaarkood.

Xisbiga Tigray-ga ee TPLF ayaa shirkan niyad-xumo ka muujiyey, waxaanay si buuxda u sheegeen inay kasoo horjeedaan isbeddellada uu Ra’iisal wasaaruhu dabada ka riixayo ee lagu dhalan-rogayo qaab-dhismeedkii iyo siyaasaddii guud ee uu ku socon jiray xisbigu.

Si kastaba ha ahaatee, isbeddellada la filayo in lagu sameeyo EPRDF ayaa waxa ka mid ah in la kordhiyo afartii xisbi ee qowmiyadaha ku sallaysnaa ee hore xisbigu uga koobnaa, iyadoo xubinimo rasmi ah ay helayaan axsaabta qowmiyadaha kale ee dalku.