Qarax Xoogan Oo Goordhawayd Lala Beegsaday Xarun ay Shirkadda Dahabshiil Ku Lahayd Magaalada Muqdisho Iyo Khasaare Ka Dhashay

Muqdisho (Jigjigaonline) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhex dhacay laanta shirkadda isgaarsiinta Somtel ay ku leedahay isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay 2 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Labada Qof ee geeriyootay mid ka mid ah wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Somtel, halka ruuxa kale uu ahaa mid aan shirkadda ka tirsaneyn oo goobta ka ag dhowaa, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay kaabiga ku heyso xarun ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ku baadhaan gaadiidka aada dhanka Deegaanka Cirtoogte.

Qaraxan ayaa imanaya maalin kadib markii Dhawaan Warbaahinta Muqdisho shaacisay in kooxda Daacish ay u hanjabtay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Dahabshiil.

Somtel ayaa waxaa leh Dahabshiil, hase yeeshee ma cadda in qaraxan uu daba socda hanjabaadda Daacish iyo in kale.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya iyo maamulka Shirkadda Somtel.