DEG DEG: Maxkamadda gobolka maroodi-jeex oo xukuntay guddomiye dhamme

Hargeysa (Jigjigaonline) – Maxkamadda Gobilka Maroodi Jeex ayaa xukun ku ridday guddoomiyihii Garabka Dhallinyarada ee xisbiga WADDANI, kaas oo muddo ka badan laba bilood ku jiray xabshiga.

Guddoomiye Maxamed Sidiiq Dhamme ayey maxkamaddu ku heshay inuu aflagaadeeyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isla markaana uu falal kicin ah sameeyey.

Guddoomiyaha maxkamadda ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda kaas oo ah in muddo lix bilood ah uu jeelka ku qaato.

Xadhigan oo dareeno kala duwan dhaliyey ayaa waxa cambaareeyey madaxda xisboga WADDANI.