Madaxweyne Mustafe Oo Ka Hadlay Aftidii Sidamo, Isku-duubnimada Iyo Talooyin Uu Jeediyey

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka qowmiyadda Sidamo oo afti laga qaaday ugu codeeyey inay noqdaan Kilalkii 10aad ee Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe oo la hadlay Warbaahinta dalka ee EBC, ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Sidama, muwaadiniinta iyo shucuudbta Koonfureed ba uu ugu hambalyeynayo go’aanka nabadgelyada ah ee ay gaadheen.

Madaxweyne Mustafe waxa uu kula dardaarmay shacabka Sidama inay gacmaha is-qabsadaan oo ay wada jir uga shaqeeyaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo diblomaasiyaddaba.

“Madaxweyne ku-xigeenka, muwaadiniinta iyo Shucuubta Koonfurta, waxaan ku hambalyeynayaa go’aanka nabad-gelyada ah ee ay gaadheen.” Ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in uu kalsooni buuxda ku qabo in shacabka Sidama ay ilaalin doonaan wada-jirka qowmiyadaha dalka.

“Shaki igagama jiro in Shacabka Sidamo ay sannado badan lasii noolaan doonaan qowmiyadaha kale.” Ayuu yidhi.

Madaxweyne Mustafe oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxaan ugu baaqayaa walaalahayga, inay wada-jir uga shaqeeyaan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo diblomaasiyadda dibeddaba.”