Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Si Adag Uga Hadlay Khariidada Ay Itoobiya Ku Tirtirtay Somaliya, Soona Bandhigay Mowqifka DDS

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madaxweynaha Dawladda Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka hadlay khariidadda muranka badan dhalisay ee wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ay baahisay.

Khariidadda qaaradda Afrika ayaa ay wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ku baahisay barteeda Internetka, laakiin waxa gebi ahaanba ka maqnaa Somaliya oo sida ka muuqata sawirka hoose lagu daray Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha dibeddu may sheegin sababta ay sidaas u samaysay iyo haddii uu jiro qorshe qarsoodi ah oo layskugu daray labada waddan, hase yeeshee, Somaliya ayaa gebi ahaanba ka maqan oo halkeedii lagu buuxiyey Itoobiya.

Xukuumadda dawladda Federaalka Somaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaan ka hadal arrintan, hase yeeshee waxa si weyn baraha bulshada gadood uga muujiyey shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa war uu soo saaray waxa uu kaga hadlay arrintan, waxaana uu meel adag iska taagay in Soomaaliya ay qayb ka noqoto Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in jiritaanka umadda Soomaaliyeed lagu daro ummad kale.

Qoraalka madaxweynaha oo ay ku lifaaqnayd khariidadda qaldan ee Itoobiya baahisay, ayaa waxa uu ku yidhi: “Dhamaan halgamadii shacabka Soomaali galbeed waxay ahaayeen halgamo guumaysi-diid oo xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadii lagu diidanaa guumaysiga.

Maahan mid aan asmaci-karno in jiritaanka umadda Soomaaliyeed lagu daro ummad kale!”

Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya ayaa war kooban oo ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin sawir muran xoog leh dhaliyay oo lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Addis Ababa.

Riix 2 Si aad u akhrisato warka oo dhan