Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Shaaciyey In Puntland Gacanta Usoo Gelinayso Dambiileyaashii Maamulkii Cabdi Iley Ee Xuduudka Ka Tallaabay

Addis Ababa (JigjigaOnline) –  Madaxweynaha Dawladda Soomaalida ayaa ka hadlay kulan uu xalay magaaladda Addis Ababa kula yeeshay madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Dani.

Madaxweyne Mustafe Mustafe Muxumed Cumar iyo Dani ayaa kulan casho ah xalay ku qaatay magaalada Addis Ababa, waxaana la sheegay in ay ka wada hadleen dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen isku socodka labada dhinac, ganacsiga iyo sugidda ammaanka xuduudaha.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa qoraal uu mar dhoweyd soo saaray waxa uu faahfaahin kaga bixiyey waxyaabaha ay ka wada hadleen dhiggiisa Puntland, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in lagu lafa-guray dhawr arrimood oo muhiim ah.

Qoraal kooban oo uu madaxweynuhu ku baahiyey bartiisa Facebook ayaa waxa uu ku sheegay in Puntland ay dib ugu soo celin doono Dawladda Deegaanka Soomaalida dadka dembiyada geystay ee u baxdaday halkaas markii xukunka laga tuuray Cabdi Maxamuud Cumar.

Qoraalka madaxweynaha ayaa u dhignaa sidan:

“Waxaan kulan wada qaadanay madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Somalia, Mudane Said Abdilahi Dani! Kulankaas oo aan uga wada hadalnay, isku socodka labada dhinac sidii loo xaajin lahaa iyo sidoo kale iskaashiga dhaqaalaha kor loogu qaadi lahaa, waxaananu isla qaadanay madaxweynaha in laga shaqeeyo amniga labada dhinac, aadna loo sugo xuduudaha ay wadaagaan labada dal.

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu ballanqaaday in gacanta deegaanka lasoo gelin doono cid kasta oo fal-dambiyeed ka soo gashay deegaanka una soo carartay Puntland.