Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Isku Shaandhayntii Ugu Ballaadhnayd Ku Sameeyey Xukuumaddiisa, Wasiirrada La Eryey, Kuwa La Beddelay Iyo Kuwa Aan La Taabannin

Jigjiga (JigjigaOnline) – Madxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa isku-shaandhayntii ugu ballaadhnayd ku sameeyey xukuumaddiisa, waxaana uu xilalkii ka tuuray masuuliyiin tun weyn oo wasaarado muhiim ah joogay kuwaas oo hoos loogu celiyey hay’ado, halka kuwo kalena isku beddel lagu geeyey xafiisyo kale.

Madaxweyne Mustafe ayaa Golaha Baarlamaanka DDS oo kalfadhi aan caadi ahayn Axaddii layskugu yeedhay ayaa saaka u gudbiyey liiska xukuumaddiisa cusub, kuwaas oo dhamaantood maanta hor tegay Golaha Shacabka.

Wasiirkii warfaafinta Cabdillaahi Maxamed (Gisinle) ayay seeftu la tagtay oo laga saaray liiska golaha Wasiirrada, waxaana hoos loogu celiyey Kulliyadda tababarka macallimiinta oo uu maamul ka noqon doono, hase yeeshee waxa aan la taabannin oo xilalkoodii hore haya wasiirradii Madaxtooyada iyo Maaliyadda.

Guddida fulinta ee Xisbiga oo ah hoggaanka DDS ayaa ka hor isku-shaandhayntan waxay shaaciyeen dibu-qaabayn lagu sameeyey xafiisyada maamulka, kuwaas oo tiradooda laga dhigay 26, waxaana intaas kaddib la magacaabay masuuliyiinta wasiirrada ah ee maamulaya oo qaarkood kuwii hore xilalka u hayey ahaanayaan.

Halkan ka akhriso Golaha Wasiirrada ee cusub.

Hoggaaminta cusub (Wasiirrada cusub)

  1. Wasiir Dayib Axmed-nuur – Xafiiska Xoolaha
  2. Wasiir Cabdiqaadir Xaashi – Xafiiska Arrimaha Bulshada
  3. Wasiir Cabdisalaan Yuusuf – Xafiiska maalgelinta iyo Qurbajoogta
  4. Wasiir Subeer Xuseen Cumar – Xafiiska Dakhliga
  5. Wasiir Rooble Cawaale – Xafiiska Jidadka iyo Gaadiidka

Xafiisyada la isku beddelay (Wasiirrada la isku beddelay)

  1. Wasiir Maxamed Faatax – Xafiiska waxbarashada
  2. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed – Xafiiska Biyaha
  3. Wasiir Cabdiraxmaan Ciid – Xafiiska Waraabka
  4. Wasiir Bashiir Shaafi – Xafiiska Ganacsiga
  5. Wasiir Cabdillaahi Cali Aadan –  Xafiiska Maaraynta Khatarta Masiibooyinka
  6. Wasiir Xabiib Muxumed – Xafiiska Warfaafinta
  7. Cabdillaahi Maxamed Muuse –  Xafiiska TVET
  8. Axmed Deeq – Xafiiska Ilaalinta Deegaanka

Xafiisyada aan la beddelin

  1. Xafiiska Maaliyadda
  2. Xafiiska Madaxweynaha
  3. Xafiiska Caafimaadka
  4. Xafiiska Beeraha
  5. Xafiiska Dhaqanka
  6. Xafiiska Haweenka iyo Carruurta
  7. Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka
  8. Xafiiska Dhallinyarada
  9. Xafiiska Curinta iyo Sayniska
  10. Xafiiska Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka
  11. Xafiiska Adeegga Shacabka
  12. Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud.

Isku-shaandhayntan ayaa waxay noqonaysaa isbeddel guud oo ku yimid maamulka guud ee DDS, taas oo ay dad badan tabayeen in loo baahan yahay in firfircoonaysiin iyo dardar gelin loo baahan yahay xilli uu madaxweyne Mustafe Cumar iyo ku-xigeenkiisu ay xilka hayeen hal sano oo buuxda.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Mustafe ayaan taabanin qaar ka mid ah xafiisyadii tabashadu ka jirtay ee ay dadku filayeen in looga baahan yahay isbeddel ku yimaadda.