Madaxweynaha Oromiya Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Soo Gaadhay Magaalada Jigjiga

Jigjiga (Jigjigaonline) –  Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Dawladda Deegaanka Oromiya ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Magaalada Jigjiga.

Weftigan uu horkacayo madaxweyne Shimales Abdisa ayaa waxa Garaad Wiilwaal International Airport kusoo dhoweeyey madaxda ugu sarraysa Dawladda Deegaanka Soomaalida oo uu hormood u yahay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo ku-xigeenkiisa.

Markii uu madaxweynuhu ka soo degay ayaa waxa uu la kulmay soo dhoweyn diirran, waxaana ay tani qayb ka tahay isku-soo-dhawaynta labada Qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada oo hore ugu dhexeeyeen khilaafyo deegaan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac labada dhinacba ah.

Magaalada Jigjiga ayaa waxa maalmihii ugu dambeeyey kusoo qulqulayey wufuud ka imanaysay Deegaanka Oromiya oo ka qayb-gelaya kulanka isku-soo-dhoweynta.