DEG-DEG: Lataliyihii Arimaha Sharciyada iyo Xaquuqul Iinsaanka Madaxweyne Mustafe Oo Is Casilay & Xaqiiqooyinka Murugada Leh Ee Uu Shaaciyey

Jigjiga (JO) – Lataliyaha Arimaha Sharciyada iyo Xaquuqul Iinsaanka madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa iska casilay xilkii uu hayay, kaddib markii uu qoraal rasmi ah oo uu shaqada kaga tegayo u gudbiyey madaxweynaha.

Jamaal-Diriye Khalif oo shaqo weyn kasoo qabtay isbeddelladii lagu sameeyey shuruucda deegaanka ee horumarka lagaga sameeyey dhinacyada xuquuqda insaanka iyo xorriyatul qawlka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku shaaciyey inuu iscasilaad u gudbiyey Madaxweyne Mustafe, sida uu ku sheegay farriin uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Facebook.

Qoraalka iscasilaadda ee uu bartiisa Facebook ku daabacay, waxa uu Jamaal-Diriye ku yidhi:

“Wargalin

Waxaan caawa oo ay taariikhdu tahay  9kii bisha September, 2020 u gudbiyey madaxwaynaha deegaanka Somaalida, Mudane Mustafa Muxumed Cumar dhambaal aan ku wargalinayo inaan iska cazilay xilkii iyo waajibaadkii aan hayey ee ahaa Lataliyaha Arimaha Sharciyada iyo Xaquuqul Iinsaanka ee Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Waxaan mahadnaq wayn u jeedinayaa madaxwaynaha, asxaabtii aanu soo wada shaqaynay iyo dhamaan cid walba oo iyadu igu gacan qabatay gudashada wajibaadkii shaqo ee aan u hayay shacabka Deegaanka.

Mahadsanidiin,”

Lataliye Jamaal-Diriye ayaa iscasilaaddan shaaciyey saacado kaddib markii uu baahiyey qoraal murugooyin iyo dibu-dhacyo ka jira guud ahaan dalka Itoobiya iyo deegaamadaba ku baahiyey bartiisa Facebook.

“Muddooyinkii ugu dambeeyey, waxa markhaati laga ahaa xaddidaada xorriyadda aasaasiga ah oo adkaanaysa iyo cidhiidhiga boosaska siyaasadeed. Maanta, waxa muuqata in aynu ku laabanay sidii xaaladdu ahayd ka hor 2018kii, haddii aanay kasii xumaynba.” Ayuu yidhi Jamal-Diriye Khalif.

Qoraalkan oo uu ku qornaa luuqadda Ingiriisida, waxa kale oo uu intaa ku daray: “Xadhigga dawladdu kula kacday kooxaha mucaaradka ah kaddib dilkii qaladka ahaa ee Hachalu waxa uu horseeday in xabsiyaddii bannanaa sannadkii 2018, laga buuxiyey maxaabiis siyaasadeed mar kale.”

Jamaal qoraalkiisan dheer, waxa uu ku taxay in waddanku uu qaaday dhabbo digtaatooriyadeed oo waliba usii daran dadka marka horeba takoorka ku jiray ee ay Soomaalidu ka midka yihiin, isla markaana lagula kaco falal digtaatooriyadeed, laakiin si dhab ah uma tilmaamin in xukuumadda uu Lataliyaha dhinaca sharciga iyo xuquuqda Isnaanka u ahaa ay iyaguna sameeyeen gabbood-fallo la mid ah kuwa dawladda Federaalka.

Inkasta oo hadalkiisa laga dhadhansan karo saluugga uu ka qabo sida xukuumadda Mustafe ugu tumatay sharciga iyo xorriyadda aasaasiga ah ee shacabka Soomaalida, haddana waxa uu qaab sarbeebaysan dusha uga sawiray in ay wax walba ku noqdeen jidhkii dhibaatada badnaa ee laba sannadood ka hor amaba meel kasii xun, taas oo deegaanka Soomaalida ugu sawiran xilligii uu xasuuqa iyo tacaddiyada binu-aadanimada ka baxsan shacabka ku hayay Cabdi Iley.

Si kastaba ha ahaatee, iscasilaadda Jamaal-Diriye waxay cidlo dhigaysaa Madaxweyne Mustafe oo muddooyinkii ugu dabeeyey ay garbihiisa ka baxayeen xubnihii dunta ahaa ee qurxinayay, iyagoo ku eedaynayay inuu isku rogay digtaytar aan hoggaamin iyo waji loogu soo hagaago midna lahayn oo aanay cidina aamini karin.