Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliya oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Muqdisho (JigjigaOnline) – Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliya ayaa qarax lagula beegsaday duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo kolonyo uu hoggaaminayey ay marayeen.

Kolonyada uu horkacayey taliyaha ciidamada, Xasan Cali Nuur Shuute oo oo marayey waddada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye, ayey wararku sheegayaan in lala eegtay qarax lasii qorsheeyey oo ahaa miino dhulka lagu aasay oo meel fog laga hagayey.

Warku wuxuu intaa ku daray in taliyuhu uu ka badbaaday qaraxa oo shaqsiyan aanay wax dhibaato ah kasoo gaadhin, hase yeeshee, waxa uu khasaare kasoo gaadhay qaar ka mid ah kolonyadii la socotoay oo ka timid Shabeellada Hoose.

Xasan Cali Nuur iyo Shuute iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa ka yimid saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka Marka, gaar ahaan deegaanka Ceel Saliini, halkaas oo uu dhowaan ka dhacay weerar lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxaas oo noqonaya kii labaad oo isla maanta ka dhaca Muqdisho, iyadoo saaka ciidamo kale qarax lagula eegtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen illaa 3 Askari.