Gacan Ku Dhiiglihii Cabdi Iley U Qaabilsanaa CADAABTII Jeel Ogaadeen Oo Lasoo Qabtay

Jigjiga (JigjigaOnline) – Ciidamada ammaanka dalka Itoobiya ayaa gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglihii maamulkii Cabdi Iley ugu qornaa ciqaabidda dadka lagu xidho xabsiga Jeel Ogaadeen.

Ninkan oo lagu magacaabo Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan Dheere) ayaa dalka ka cararay markii xukunka laga tuuray nidaamkii Cabdi Maxamuud Cumar ee jeelka loo taxaabay, waxaana uu galay Somaliya oo uu ku dhuumaalaysanayey siddeeddii bilood ee ugu dambeeyey.

Sida ay warbaahinta Jigjiga Online heshay, Xasan dheere ayaa laga soo qabtay degmada Goldogob oo ka tirsan maamulka Puntland, waxaana uu waqtigan ku sugan yahay gacanta ciidamada ammaanka.

Xasan Dheere oo hore loogu eedeeyey inuu geystay dembiyo iyo xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo uu dad badan gacantiisa ku xasuuqay, kuwo kalena amarro uu bixiyey lagu dilay, ayaa waxay hay’adaha ammaanka oo gacan ka helay Putland ay kusoo guuleysteen inay soo qabtaan.

Xasan ayaa la sheegay in waqtigan uu ku sugan yahay oo la keenay magaalada Gallaadi ee xarunta degmada Gallaadi ee gobolka Doollo, halkaas oo la filayo in loo soo dhaafiyo caasimadda DDS ee Jigjiga.

Warar hoose ayaa waxay sheegayaan in Xasan Dheere loo qaadi doono magaalada Addis Ababa oo lagu maxkamadayn doono, iyadoo hore halkaas loo geeyey Cabdi Iley iyo xubno kale oo ay ku socoto dacwado la xidhiidha dhibaatadii ay deegaanka iyo dadkii ay maamulayeen u geysteen.

Si kastaba ha ahaatee, soo qabashada Xasan Dheere ayaa waxay farriin u tahay cid kasta oo dembi gasha in aanay ka baxsan doonin caddaaladda oo lasoo qaban doono.