Cabdirashiid Cali Shucaac Iyo Aabbihii Oo Dil Loogu Hanjabay

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Cabdirashiid Cali Shucaac ayaa sheegay in isaga iyo aabbihii loogu hanjabay in qudha laga jari doono.

Cabdirashiid farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku codsaday in lala raadiyo qof aanu garaynin oo farriin hanjabaad ah usoo diray, taas oo loogu sheegay in la dili doono iyo isaga aabbihii Xaaji Cali Shucaacba.

Qoraalka uu baahiyey Cabdirashiid ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

Fadlan qofkii aqoon uleh ha ila soo xidhiidho!

Ninkan aan sawirka u saaran page-kiisa soo dhigay ayaa waxyar kahor iisoo direy massage uu si toos noogu hanjabayo anniga iyo Aabahay inuu min hal xabbo madaxa nagaga dhufanayo laba Calina ayna iskaaya waydiinayn.

Caadi ahaan masoo dhigo hanjabaadaha noocan oo kale ah balse ninkan markaan sawirkiisa arkey waxuu u egyahay mashiidiyo, dadbadan soo laayey inkasta oon la hubi karin magaca iyo sawirka usaaranba inay sax yihiin oo dad badan laga been abuurto haddana waxaan jeclaystay inaan iska hubiyo idinna aad ila xaqiijisaan haddii aad aqoon u leedihiin qofkan.

Marnaba naftayda uma cabsan waxaana aaminsanahay qadarta Rabbi balse Xaajiga Aabahay ah allah ha dhawree oo dhawr todobaad kahor lagu xadgudbay, walina aan xadgudubkaas jawaab laga bixin ayaan is idhi malaha weerar kale ayaa kusoo socda.

Xukuumadu inay tidhaah mucaaradku ha yimaadaan Jigjiga cidna waxba yeeli mayso haddana waalidka qofkii mucaarad lagu tuhmo lagu xadgudbo oo loo hanajabo wax isqabanaya maaha. Haddii uu xaalku sidan kusii socdo waxaysan ka fursan doonin in maatida meel Nabad ah sida Addis iyo Adama in la gaysto kadibna raggu isu gacan banaanaado.

Ninkii uu sharci kaa celin waayo, shantaada yaa kaa celin!!

1 thought on “Cabdirashiid Cali Shucaac Iyo Aabbihii Oo Dil Loogu Hanjabay

%d bloggers like this: