Dagaalka Qoriga Ee Canfarta, Waxa Wehelinaya Dagaalka Warbaahintooda

Jigjiga (JigjigaOnline) – Duullaanka ciidamada Liyuu Booliska Canfarta iyo Maleeshiyaadkooda hubaysan, waxa uu ahaa dagaalka kaliya ee ay ku hayeen shacabka Soomaalida ah ee galbeedka Gobolka Sitti, waxaanay laayeen dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsanin, halka ay dhaceen hanti badan oo mood iyo nool ba leh, taas oo ay dheer tahay inay dab qabadsiiyeen guryo badan si ay shacabka uga baro-kiciyaan halkaas.

Muddo ay dagaalka qoriga ah ku hayeen shacabka kaddib, waxay hadda bilaabeen mid kale oo kii hore kasii daran, waana dagaalka warbaahinta iyo qalinka oo ay doonayaan in shacabka is difaacaya ay ku shaanbadeeyaan been abuur ah inay ka tirsan yihiin Al-shabaab amaba yihiin shisheeye kasoo tallaabay xuduudka Djibouti iyo Somaliland.

Telefishanka ku hadla afka Canfarta oo ah midka ugu weyn ee deegaankaas laga daawado, ayaa waxa uu toddobaadkan soo bandhigay warar been abuur ah oo ka baxsan anshaxa iyo shuruucda warbaahinta ee lama-taabtaanka ah ee dalka iyo midda caalamkaba.

“Waa maalin kale ku ah anshaxa saxaafadda iyo dhaxdhaxaadnimada warbaahinta Itoobiya” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal uu boggiisa Facebook ku daabacay Lataliyaha Madaxweynaha DDS ee arrimaha Saxaafadda iyo Isgaadhsiinta, Maxamed Colaad.

“Barnaamijka warka ee Canfarta oo ka diiwaangashan Hay’adda warbaahinta Itoobiya (EBC) oo ah warbaahinta dalka ugu weyn, waxay si badheedh ah u baahisay warar been abuur ah iyo macluumaad khaldan, si ay usii kordhiso is-aamin darrada iyo cadaawadda, iyagoo doonaya inay kasii daraan rabshadaha u dhexeeya labada shacab oo mar horeba dhiig badan ku daatay.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaas.

Arrintani waxay tusaale cad u tahay in dagaalkii Canfartu uu ka gudbay qoriga oo kaliya oo uu u gudbay mid xattaa warbaahintu qayb ka tahay, waxaana ujeedadoodu ay tahay, in rayidka ay weerarka ba’an ku hayaan ay Dawladda Federaalka ugu sawiraan inay yihiin argagixiso iyo dad shisheeye ah, sidaana aanay cidi ugu raacin wixii ay sameeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, bulshada Soomaalida, waxa looga baahan yahay inay hiil iyo hooba la garab istaagaan shacabka Gobolka Sitti.

Be the first to comment