Dadkii hore Bani’aadan iska dhaafoo dugaagay fahmi jireen

Soomaalidii hore dad ehelu caqli ah oo iska daa bani’aadankee dugaaga fahmaaya ayey ahaayeen, oo mararka qaarkood ay caawin jireen, waxa jiri jirey dad waraabo la hadal ah.

Dadku waxay aad u fahmi jireen labada dugaag ee iyaga cadowga ku ah oo kala ah waraabaha oo xoolaha ka cuni jirey iyo libaaxa oo iyaga cuni jirey, inta badan dadka isku cadowga ahi waxa jira siyaabo ay isku fahmaan, waayo mid waliba wuxuu ku dadaalayaa inuu ka kale fahmo dabeecadiisa iyo dhaqankiisa, qof kasta waxa uu ku dadaalo wuu gaadhaa ama wuu ka gungaadhaa.

Tusaale ahaan libaaxu marka uu ciyo dadkii hore way fahmi jireen inta uu u jiro libaaxaasi, waxa kale oo ay fahmi jireen inuu dad qaad yahay iyo inuu xoolo qaad yahay, magacyo ayey ula bixi jireen.

Marka libaaxa dad qaadkii ka soo hor baxo waxay ku garan jirey afku kala qaadi jirey oo macnaheedu yahay midkeen baa la dilayaa, ka aan dadka cunin afka ayuu adinka marin jirey oo macnaheedu yahay waad iga nabadgalaysaa, sidaas ayey iga warameen dadkii hore ee dadka iyo dugaagaba yaqaanay.

Aan usoo noqdee sheekadda nin wadaad ah ayaa reer soo martiyey goor habeenimo ah, intii neefka loo qalayey ee loo diyaarinayey ayaa ninkii qoyska ka masuulka ahaa u sii sheekaynayey ninkii martida ahaaa, iyadoo sheekadii u socoto ayuu waraabe laba jeer meel u dhow ka ciyey, ninkii guriga lahaaa baa sheekadii joojiyey oo si fiican u dhuuxay dhowaaqa ama cidda waraabaha.

Inta uu baxay ayuu neef uga soo saaray xoolihiisii oo uu meel banaan ah u dhigay, ka dib buu ninkii martidda ahaaa usoo noqday.

Ninkii martida ahaa baa ku yidhi maxaa dhacay intaad aamustay uun baad baxdee.

Ninkii guriga lahaa baa yidhi “waraabihii ciyayey ma maqlaysay, haa buu yidhi, wuxuu lahaa ilaahow saddex cisho umul baan ahaa, waxna ma cunin waan gaajoonayaa ee neef aan cunaan u baahnahay oo caloosha ku qaboojiyo, ka dibna intaan neef usoo qabtay baan dibada u dhigay waraabahaasi umusha ah si anagana uu ilaahay noogu naxariisto”.

Bal dadkii hore eeg siday wax u fahmayeen iyo siday ugu naxariisanayeen dugaaga, inaguna inagii baa is fahmi la’a oo mid waliba ka kale dulmiyeyaa, inagoo isku af ah oo ehel iyo qaraabo ah ayaanu midna mid ka war ahayn amaba dareemeen hadii uu gaajoonayo iyo hadii wax kale jiraanba.
Alla yaa dadkeenii hore u sheega sida aynaan isku fahmayn iyo siday iyagu xayawaanka u fahmi jireen.

Dadkeenii hore waxay fahmi jireen xoolaha ay dhaqdaan mid walba xanuunka haya iyo waxa lagu daweeyo, dadkeenii hore heerka ay cilmiga ka gaadheen illa hadda kuweena aqoonta is bida ma hawaysan karaan.

WQ:  Barkhad-Ladiif Maxamed Cumar

Be the first to comment