Dabka ka holcaya kaymaha Indonesia oo Singapore cabudhiyey

Tartanka baabuurta ee Formula 1 ayaa bilowga todobaadka dambe ka bilaabmaya dalka Singapore, laakiin tartanka xilligiisu wuxu galay iyada oo tayada hawada dalku marayso heerkeedii ugu xumaa muddo saddex sanadood ah.

Ceeryaanta qiiqa ah ee ku giblan ayaa waxa dhaliyey dab ka huraya kaymaha dalalka la olloga ah ee Indonesia iyo Malaysia, taas oo iska noqotay masiibo gobolkaa ka dhacda sannad walba.

Cirkii saafiga ahaa ee Singapore ee tartanka F1 marka la qabanayo aadka loo jeclaa ayaahaatan wuxu isku bedelay ceeryaamo qiiq ah oo xataa daarihii dhaadheeraa ee magaalada hagoogay.

Sidee ceeryaantaasi u saamaynaysaa tartanka?

Tartanka habeenkii ee Singapore ka dhaca ayaa markiisa horeba ahaa kuwa lagu qabto dalkaa ka ugu adag. Hadii ceeryaantaasi sii taagnaato na waxa aad u adkaan doona aragga oo kaxaynta baabuurtu way adkaan doontaa.

“Dhibtu ma aha mid taabanaysa darawallada tartanka oo keli ah, waxa sidoo kale la eegayaa in ay ku dhiirran karaan iyo in kale. Ma aad bay baabuurta u wadi karaan, masaafo intee leeg ayay arki karaan. Aragtida ayaa dhibta ugu badani ka minaysaa” ayuu yidhi Professor Koh Tieh Yong oo ah khabiir ku takhasusay cimilada oo ka tirsan Jaamacadda Singapore.

Badanaa heer kulka Singapore 30C wuu dhaafaa, taas macnaheeduna waxa weeyi in dirawallada heer kulka guduhu ku noqdo 50C.

Waxaa intaa dheer huurka lagu dhididayo oo 80% ah, markaa waad garan kartaa waxa loo yidhaa tartanka Singapore waa moofo.

”Hadii dirawallada ka qayb galaya tartanka kartidoodu is dhimayso oo aanay si caadi ah u shaqayn karayn, dee macno yeelan mayso in tartan la qabtaa” ayuu yidhi Koh.

Hadii wax araggu soo koobmo oo xaaladdu ka sii darto, waxa dhici karta in tartanka la baajiyo. Laakiin waxa hore u dhacday in Singapore oo ciiro hayso hadana tartanka F1 lagu qabto.

Qabanqaabiyeyaashu maxay sheegeen?

Ilaa haatan tartanka sidii loogu talo galay ayuu u socdaa, laakiin waa la ogyahay in aan cimiladu haatan ku haboonayn.

Bilowga todobaadka dambe ayaa maamulka magaalada iyo qaban qaabiyeyaashu qiimayn doonaan ceeryaanta ka dibna ay ”go’aanka ku haboon ka gaadhi doonaan” ayey tidhi Jean Ng oo ah agaasimaha fulinta ee wakaaladda dalxiiska Singapore.

In kasta oo Ng xaqiijisay in qabanqaabada tartanka iyo xaflado kale oo madadaalo sidii loogu talo galay u socdaan, ayaa hadana ay kula talisay dalxiiseyaasha in “ay aad u taxadaraan.”

Intuu gaadhay heerka dikhowga hawadu?

Sida ay sheegtay wakaaladda deegaanka ee Singapore NEA, oo la socota kolba na warbxin ka soo saaraysa sida xaaladdu tahay, ayaa sheegtay in xaaladdu tahay mid ”caafimaad darro” keeni karta.

Dikhowga hawada waxa lagu cabiraa hal beegga PSI (Pollutants Standards Index), markaa hadii uu gaadho 100, heerka dikhowgu waa ”dhexdhexaad”, laakiin inta u dhaxaysa 100 ilaa 200 waa ”xaalad caafimaad darro”.

Wakaaladda NEA waxay dadka caafimaadkoodu taamka yahay kula talisay in aanay ” jimicsi adag” caruurta, waayeelka iyo bukaankana waxay kula talisay in aanay dibadda u bixin.

Dhibka korodhka heer kulka dunida

Daraasad laga sameeyay in ka badan 20 dal oo cimiladu kululaatay ayaa lagu ogaadday inta dal kasta uu kuleelkiisu kordhay, isbeddelka cimiladuna uu saameyn ku yeeshay aadanaha.

“Xogaha taariikhiga ah ayaa si cad u muujiyay in dalagu si wacan u baxo, dadku ay yihiin kuwa caafimaad qaba, shaqadana ay ku wanaagsan yihiin xiliga cimiladu aysan aad u kululeyn sidoo kalena aysan aad qabow u ahayn,” ayuu yiri Prof Burke.

Professor kaan ayaa ku dooday in dalalka qabowga ah ay beeraha gurtaan, taasi oo ah “faa’iidada kuleelka”.

Madaxa cilmibaaritan Noah Diffenbaugh ayaa BBC u sheegay: “Inay jiraan wadooyin badan oo sababay caqabadaha ku gadaaman dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha oo ay cimiladu saameysay.”

Cilmibaarayaasha ayaa sheegay in markii ay jirto xoogaa hubaal la’aan ah oo la xiriirta faa’iidooinka qabowga ee dalalka qaniga ah, in saameynta dalalka kulul taariikh ahaan aysan waxba ku jabneyn.

Xaqiiqdii,haddii ay qiimeyn la haayeen kuleelka cimilada tan iyo bilowgii kacdoonka warshadaha, waxay sheegeen in saameynta muuqata ay xooganaan doonto.

“Tani ayaa ka dhigan in dalalka saboolka ah aadkana u nugul ay safka hore uga jiraan dalalka ay saameysay isbeddelka cimilada, waxaana loo baahan yahay in dalalka soo koraya ay waxka qabtaan saameynta xad-dhaafka ah ee sii kordheysa ay ku imaaneysa horumarkooda.” ayuu BBC u sheegay Happy Khambule, oo lataliye sare ka ah hay’adda Greenpeace Afrika.

Sida dalka Mozambique oo aad ugu nuglaaday duufaantii Kenneth ayaa muujineyso saameynta ay yeelatay isbeddelka cimilada, iyadoo duufaantu sababtay in in ka badan 40 qof ay dhintaan tan iyo markii duufaantu ku dhufatay dalkaasi ayuu yiri Mr Khambule.

Bishii Maarso, in ka badan 900 oo qof ayaa ku dhintay guud ahaan dalalka Mozambique, Malawi iyo Zimbabwe sababo la xiriira duufaanta Idai ee ku dhufatay.