DAAWO: Xasuuq Uu Amarkiisa Bixiyey Cabdi Ilay Oo Markhaatiyadiisii Warbaahinta Ka Hadleen Iyo Qaabka Naxdinta Leh Ee Xasuuqa Loogu Fuliyey 21 Nin Oo Dembi La’aan Ah

Jigjiga (JigjigaOnline) – Odayaal goob joogeyaal u ahaa xasuuq uu maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar u geystay shacabka DDS ayaa ka warramay dhacdo murugo leh oo lagu laayey rayid aan waxba galabsan.

Degmada Birqod ee Gobolka Jarar, ayaa waxa lagu xasuuqay 21 nin oo amarkooda uu si toos ah u bixiyey Cabdi Maxamuud Cumar, isla markaana ay fulintiisa caawiyeen hoggaankii nabadgelyada ee waqtigaas Cabdillaahi Itoobiya iyo Taliyihii Liyuu Booliska ee Cabdiraxmaan Laba Go’le.

Odayaasha Birqod ayaa Telefishanka SRTV waxay uga warrameen qaabkii uu u dhacay xasuuqaas, waxaanay dalbadeen in caddaaladda la mariyo xasuuqaas.

Odayaasha hadlay oo mid ka mid ah inankiisii curad iyo wiil uu soddog u ahaa ay ku jireen 21 qof oo qaarkood la gawracay, qaar dhagax lagu dilay, kuwo kalena inta laysku xidhay xabbad lagu furay, ayaa waxay xog gilgishay quluubta shacabka DDS ka bixiyeen dhacdadaas murugada leh.

Halkan ka daawo warbixinta odayaasha

Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Degmada Birqod oo saaka soo Booqday Wakaalada Warbaahinta DDS ayaa nooga warbixiyay xasuuq ay sheegeen in ay u gasatay Xukuumadii hore kana dalbaday Dawlada in sharciga loo horkeeno dadkii ka danbeeyay xasuuqaas

Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Degmada Birqod oo saaka soo Booqday Wakaalada Warbaahinta DDS ayaa nooga warbixiyay xasuuq ay sheegeen in ay u gasatay Xukuumadii hore kana dalbaday Dawlada in sharciga loo horkeeno dadkii ka danbeeyay xasuuqaas

Slået op af SRTV Rasmi Page i Torsdag den 23. maj 2019