DAAWO: “Waa Ciiddii Ugu Horreysay Ee Shacabku Ay Ku Ciidayaan Bilaa Cabsi” – Madaxweyne Mustafe Cagjar

Jigjiga (Jigjigaonline) – Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in Ciidda sannadkan ay tahay tii ugu horreysay ee shacabka deegaanku ay ku ciidayaan Cabsi la’aan.

Madaxwene Mustafe Muxumed Cumar oo ka hadlayey muuqaal uu soo duubay oo laga baahiyey telefishanka SRTV, ayaa waxa uu Ciidda ugu hambalyeeyey shacabka DDS, Muslimiinta Itoobiya iyo kuwa Adduunka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ciiddan ay ka duwanaan doonto ciidihii hore oo ay shacabka deegaanku ku qaadan doonaan cabsi la’aan, isla markaana aanay jirin maxaabiis u xidhxidhan arrimo siyaasadeed oo xabsiyada ku qaadanaysa.

Halkan ka daawo muuqaalka madaxweynaha oo dhamaystiran:

Be the first to comment