DAAWO: Somaliya Oo Xidhiidhka U Jartay Guinea Oo Uu Booqanayo Madaxweynaha Somaliland Iyo Sababaha Ay Cuskadeen

Muqdisho (Jigjigaonline) –  Dawladda Federaalka Somaliya ayaa xidhiidhka u jartay dalka Guinea Conakry, kaddib markii uu madaxweynaha Somaliland booqasho ku tegay, isla markaana si heersare ah loogu soo dhaweeyey.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliya, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uu ku sheegay in Somaliya ay xidhiidhka u jartay Guinea oo uu ku eedeeyey inay meel ka dhac ku samaysay wada-jirka iyo midnimada Somaliya.

Wasiirku waxa kale oo uu eedaymo u jeediyey dalal kale oo aanu magacaabin, kuwaas oo uu tilmaamay inay meel ka dhac ku hayaan arrimaha gudaha ee Somaliya.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Wasiirka:

https://foorenews.com/daawo-akhri-dawlada-soomaaliya-oo-xidhiidhka-u-jartay-dawladda-uu-madaxweyne-biixi-safarka-ugu-maqan-ee-ginni-conkry-hanjabaadna-u-kala-dirtay-dalal-kale/