“Cirro waxa iga yaqaannay Faysal Cali Waraabe, markaan Musharraxa UCID la doonayey, doorashadiina, waxa…” Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde

Hargeysa (JigjigaOnline) – Xoghayihii hore ee Xisbiga Mucaardka ee WADDANi, Maxamed Cabdullaahi Uur-cade, ayaa ka hadlay khilaafkii dhexmaray isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, sidoo kale, wuxuu ka hadlay xilligii ay ka wada tirsanaayeen Xisbiga UCID, sababtii uu ula saftay markii khilaaf soo dhexgalay hoggaanka UCID, qodobbo kale oo xiiso leh iyo xogo aanu hore warbaahinta ula wadaagin.

Maxamed Cabdullaahi Uur-cade, wuxuu sidoo kale ka hadlay natiijadii doorashada Madaxtooyadda Somaliland ee Xisbiga KULMIYE, ku guulaystay.

“Markaan Cabdiraxmaan Cirro la saftay ee Faysal Cali Waraabe aannu isku haysanay UCID, waxan la doonaynay oo noo muuqatay aniga iyo raggii kale in markan aannu Faysal tartamin, maadaama uu Faysal Cali Waraabe ahaa guddoomiye laba jeer tartamay, isla markaana uu faysal kaga fiicnaanayo murrashaxnimada Madaxweynaha, laakiin Faysal wuxuu lahaa Cirro ma noqon karo Murrrashax Madaxweyne oo uma qalmo, Markaa saaxiibkay Cirro oo aan wax la doonaynay oo markaa ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, waxa nooga aqoon badnaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.” sidaa waxa yidhi, Xoghayihii hore ee Xisbiga Mucaardka ee WADDANi, Maxamed Cabdullaahi Uur-cade.

Xoghayihii hore ee WADDANi, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Telefishanka Baddacas 24Tv, waxaanu arrimahaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha guul-darooyinkii xisbiga Xisbiga Waddani, ee uu ka tirsanaa kaga dhacay doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee November 13, 2017 kaga hadlay Barnaamijka Xog-wadaag oo uu daaddihiyo Tafaftiraha Baddacas24Tv, Cabdifataax Ismaaciil Mursal.

Haddaba, Barnaamijka Xog-wadaag ee toddobaadkani Xogta Xogta iyo xiisaha uu sido iyo waraysigan xasaasiga ah ee Siyaasi Uurcadde lagula yeeshay, qaybtiisa koowaad waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:- 

Be the first to comment