Ciidamada Kenya Oo Guriga Ugu Dhacay, Jeelkana U Taxaabay Aqoonyahanka Caanka Ah Ee Bursaliid

Nairobi (Jigjigaonline) – Ciidamada sirdoonka dalka Kenya ayaa xalay xidhay aqoonyahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid.

Xog la helay ayaa sheegeya in Dr. Bursaliid ay xalay saqdii dhexe gurigiisa kala baxeen ciidamada sirdoonka dalka Kenya, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ehelladiisa.

Ehellada ayaa sheegay in ciidamo isugu jira dharcad ah iyo kuwo hubeysan ay yimaadeen guriga uu ka degan yahay magaalada kadibna halkaas ka wateen, iyaga oo aan sheegin wax sabab ah oo ay u xidhayaan.

Illaa hadda lama yaqaan halka lagu hayo Bursaliid, waxaana ehelladiisu ay sheegeen inay isku dayayaan inay ogaadaan.

Ciidamada kaxaystay Bursaliid ayaa la sheegay in aanay sidanin waaran maxkamadeed oo ay ku xidhi karaan Bursaliid, hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in ciidamadaasi qayb ka yihiin kuwa ay Kenya u carbisay la-dagaallanka argagixisada.

Dr. Bursaliid ayaa caan ku ahaa inuu fallanqeyn jiray siyaasadda gobolka iyo Soomaalida, waxaana soo xigan jiray inta badan warbaahinta Soomaaliga sida BBC Somali iyo VOA Somali, waxaana uu ahaa macallin wax ka dhiga jaamacadda Nairobi.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay dhawaan diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaali ah oo dalkeeda ay ka mamnuucday, lama oga in xadhigani uu taas qeyb ka yahay iyo in kale.