Ciidamada Ethiopia Oo Xabsiga Dhigtay Saxafi Warbixin Ka Diyaarinayey Guryo Ku Dumay Addis Ababa

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Waqti badan kama soo wareegin markii Ethiopia lagu amaanay in aanay jeelasheeda ku jirin wariyeyaal xidhan, horumar badanna ay ka samaysay xorriyadda hadalka, taas oo soo bilaabantay markii uu shaqada ra’iisal wasaarenimada qabtay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Addis Ababa, Ciidamada Booliska ayaa si la mid ah nidaamkii ka horreeyey Abiy Ahmed, waxay Arbacadii u weerareen, si xunna u garaaceen ka hor intii aanay xabsiga dhigin wariye ka tirsan wargeys madax bannaan oo kasoo baxa caasimadda dalka.

Wariyaha la xidhay oo lagu magacaabayo Misgan Getachew, kana hawl-gelayey wargeyska gaarka loo leeyahay ee Ethiopis ayaa la qabtay xilli uu ku jiray hawl-maalmeedkiisa caadiga ah.

Misgan Getachew ayaa la sheegay in ciidamadu ay qabteen isagoo ku sugan xaafadda Arat Kilo oo uu warbixin ka diyaarinayey guryo dumay.

Xilliga la qabtay ayaa waxa uu waraysiyo ka qaadayey dadka guryuhu ka dumeen, laakiin ciidanka ayaa qabtay oo garaacay ka hor intii aanay ku xidhin saldhig boolis oo halkaas u dhow.