China Oo Hanjabaad Maldahan U Diray Maraykanka Iyo Reer Galbeedka

Beijing (JigjigaOnline) – Waxaa dalka Shiinaha ka socdo xaflada lagu weyneynaya todobaatan sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii xisbiga shuuciga ee dalkaasi ee PRC.

1-dii bishii October 1949-kii ayaa Mao Zedong waxa uu shaaca ka qaadayalkumidda PRC ka dib markii xoogagga shuuciga ay ku guulesteen dagaal sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay.

Tan iyo markaasi Shiinaha ayaa ku tallaabsaday horumar ballaaran balse waa mid ka mid ah dalalka ugu xirxiran caalamka.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay inuusan jirin xoog u babac dhigi lara cududda milatari ee Shiinaha. Wuxuu hadalkan ka jeediyay fagaaraha Tiananmen Square oo lagu soo bandhigay dhoolatus ballaaran.

Si kastaba dabbaaldegyada ka socdo Shiinaha waxaa hareeyay dibadbaxyada Hong Kong halkaas oo lagu wada inay isugu soo baxay kumanaan diidan xukunka Bejing.