CAJIIB: Maxay tahay sababta la isugu khilaafay dawada kordhisa dareenka dumarka

Dumarka Mareykanka ayaa hadda heli loo diyaariyay qaabka kordhinta rabitaan ka dib markii loo sameeyay “dawo sare u qaadeysa dareenkooda”.

Warkan ka soo baxay Maamulka Cuntada iyo Dawada Mareykanka (FDA), oo ah guddiga ugu sareeya arrimaha caafimaadka bulshada, ayaa ansixiyay Vyleesi. Markii hore waxaa loo arkayay guul laga gaaray dhanka xoojinta dareenka dumarka oo caafimaad leh.

Balse Isbuucyo ka dib, waxaa soo baxaya dood adag oo la xiriirta xaladda dawada marka uu dareenka aad u bato ayna adkaato inuu caadi noqdo.

Dawada waxaa loo yaqaanaa bremelanotide, waxayna ku asteysan tahay magaca ah Vyleesi marka la iibsanayo.

Waxaa si isku mid ah u isticmaali kara gabdhaha iyo haweenka da’da ah – kuwaas oo aan lagu arkin astaamaha muujinya in caadada ay ku dhici rabto ama ay ku dhacday – iyo kuwa ay dhibaatada ka haysato dhanka rabitaanka galmada ee loo yaqaano (HSDD).

Dhaqaatiirta waxay ku qeexeen in qof dumar ah ay si joogto ah u diido la seexashada ninkeeda. Waxaa lagu qiyaasaa in boqolkiiba 6 illaa 10 ee dumarka weli ku jira da’da dhalmada in ay dhibaato noocaas ah haysato.

Waa markii labaad oo dhaqaatiirtu isku deyaan in ay soo saaraan “Viagra dumarka isticmaali karaan”. Khilaaf iyo muran ayaana ka dhashay in FDA ay aqbasho dawadaas iyadoo dhaqaatiirta qaar ay shaki ka muujiyeen waxtarkeeda. Waxay sheegeen in halis caafimaad ay la kulmayaan dumarka isticmaala dawada?

Haddaba, bremelanotide maxay soo kordhisaa? Maxayna yihiin dhibaatooyiinka caafimaad ee ka dhalan kara?

Cirbadaha iyo Kaniiniga

Daawado waa irbad laysku mudayo

Vyleesi – Waxaa la sameeyay iyadoo la adeegsanayo teknolojiyadda Palatin, waxaana la fasaxay in dawo ahaan loo adeegsado – Waxay ka sameysan tahay cirbad uu qofka isku duri karo.

Ujeedada waxay tahay in dumarka laga yareeyo xanaaqa badan, ayna yeeshaan dareen raaxo. Waxay xakameyneysaa heerarka waxyaabaha maskaxda ka soo baxa sida: Joogteynta qalbi rabitaan leh iyo ka saaridda waxyaabaha keena xanaaqa.

Dawadan waxay la tartameysaa Addyi – waa mid horey loo soo saaray oo ah kaniin la qaato maalin kasta taas oo ay ansixisay FDA, sannadkii 2015kii.

Go’aankaas xitaa wuxuu dhaliyay muran iyadoo khubarada ay sheegeen in Addyi aysan “lahayn waxtar” ayna halis ka dhalan karto.

Dhibaato lala aamuso

Boqolkiiba 10 ka mid ah haweenku, ma helaan dareen marka ay raggooda la seexdaan

Sida lagu xusay cilmi-baaris la sameeyay 2016-kii, dhibatada HSDD waxa la kulma mid ka mid ah 10kii dumar ee Mareykanka ku nool, badankoodana weligood ma aysan raadsan dawo.

“Kuwa badan oo ka mid ah dumarkaas waxay la aamuseen dhibaatada haysata, taas micneheedu wuxuu yahay in dawadan aysan suuq haysan,” sida uu sheegay William Heiden, Agaasimada Fulinta ee Amag Pharmaceuticals.

Balse khubarada warshadeynta waxay qiyaasayaan in dhaqaalaha ka soo xarooda Vyleesi sannadkii uu gaari doono $1 Bilyan oo dollar.