CADDAYMO: Madaxweyne Mustafe Oo MADAX-FURASHO Kusii Daayey Xildhibaanno Iyo Dhallinyaro Uu Guryahooda Ka Afduubay

Jigjiga (JO) – Madaxweyne Mustafe ayaa gacanta laga saaray lacago Madax-furasho ah oo uu dalbaday in laga siiyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Deegaanka iyo dhallinyaro uu guryahooda ka afduubay saddex maalmood ka hor.

Ciidamada Liyuu Booliska ayuu Madaxweynuhu ku amray Khamiistii inay xidh-xidhaan xildhibaannadii 125-ka ahaa ee ka dareeray Shirkii Golaha Baarlamaanka deegaanka ee sida sharci-darrada ah uu u geeyey xafiiskiisa isaga oo ka raray xaruntii aqalku lahaa, halkaas oo jidh-dil iyo xadhig la iskugu daray xubno badan.

Ugu yaraan shan xildhibaan ayaa cusbitaallada loo geeyey dhaawacyo kasoo gaadhay gacan-qaad ay ciidamadu u geysteen markii ay dalbadeen in Golaha Afduubnaa ee Madaxtooyada la iskugu geeyey ay xukuumadda la xisaabtamaan, isla markaana codka kalsoonida loo qaado Madaxweynaha.

12 ka mid ahaa 125-ka xildhibaan ee shirka ka dareeray ayaa xasaanadda laga qaaday waqtigii afurka ee maalintii Khamiista, waxaana guryahooda weerar ku qaaday ciidamo Madaxtooyada ka tirsan oo cabsi-geliyey ubadka iyo qoysaska xubnahan oo qaarkood ay xilligaas u jiifeen dhaawacyadii soo gaadhay.

Inta badan xubnahan ayaa la sii daayey xilli dambe, waxaase jeelka lagu reebay illaa toddoba xildhibaanno iyo dhallinyaro kale iskugu jirta oo guryahooda loogu dhacay iyagoon wax  dembi ah faraha kula jirin.

Mudaneyaasha iyo dhallinyarada kale ayaa shalay la hor keenay Maxkamadda, waxaana lagu xukumay inay bixiyaan lacag madax-furasho ah oo uu go’aankeeda soo gaadhay Madaxweyne Mustafe haddii ay kalena lagu xukumi doono lix bilood oo xadhig ah.

Lacagta madax-furashada ah oo caddadka laga doonayay qof walba uu ahaa 30,000 (Soddon kun) Birr oo u dhiganta $1,071 (kun, toddobaatan iyo kow dollar) ayaa xubin kasta oo xidhan waxa soo bixiyey ehelkiisa, si ay Ciidda ay ubadkooda ula ciidaan, waxaana ugu dambayntii lasii daayay xildhibaannada iyo dhallinayrada xalay fiidkii.

Be the first to comment