Cabdi Iley Oo Farriin Kasoo Diray Jeelka Uu Ku Xidhan Yahay Iyo Wixii Uu U Sheegay Telefishanka Itoobiya

Addis Ababa (JigjigaOnline) – Dhawaan ayay ahayd markii qaybo badan oo kamida saxaafada itoobiya ay baahiyeen warar sheegaya in Cabdi Maxamud Cumar laysku dayay in xabsiga uu kuxidhanyahay laga saaro ama uu xabsiga kabaxsado. Isagoo wararku ay intaasi kudarayeen in afaafka hore ee xabsiga Qaaliti lagu gooyay gaadhi kadibna uu halkaas iskahor imaad kadhacay oo ay koox rabtay inay CMC xabsiga kasii dayso xili uu maxkad balanteed lahaa ay isfarasaareen ilaalada xabsiga halkaana ay kudileen askari ciidanka wadooyinka ah halka dablaydiina laqabqabtay.

Hadaba EBS ayaa booqatay xabsiga uu CMC kuxidhanyahay ee qaaliti waxayna halkaasi kuwaraysteen CMC iyo madaxa maamulka iyo sugida amaanka xabsiga.

Cabdi Maxamuud cumar ayaa sheegay inuu 2 maalmood kadib maqlay arintan isla markaana uu aad ula yaabay wuxuuna yidhi, anigu magarankaro waxa ay saxaafadu kafaa,iido kabeensheegida qof maxbuus ah, hadaan baxsan karo ama aan meel ubaxsanayo jigjiga ayaan kabaxsanlahaa, ma,ogi cid xabsiga iga saaraysa oo xoog adeegsanaysa balse haday jirto xitaa meela uma socdo, waxaan ahay maxbuus sharciga hoos jooga. Dhankakale bal qiyaas qof xidhan oo laleeyahay qofbuu dilay, boolisbuu ciijiyay, wuu baxsan rabay iwm, hada kaliya maaha horay ayay uyidhaahdeen xabsiguu dad kulaayay iyo wuu baxsan rabay intaba, waxay arintani keenaysaa cadaadis iyo baadhitaan dheeri ah iyo wakhti horleh oo baadhis lagu sameeyo ayuu yidhi CMC.

Dhankakale madaxa ilaalada amaanka iyo maamulka xabsiga ayaa isna arintan kahadlay wuxuuna sheegay inay aad ula yaabeen wararkaa meesha laga keenay wuxuuna yidhi, subaxnimadii Cabdi wuxuu lahaa balan maxkamadeed wuuna soo noqday, galinkii danbe waxay xabad kadhacday meel lagu magacaabo Crown oo kadurugsan xabsiga, waxayna ahayd xabad laguriday qof boolisku raadsanayeen oo cararay kaasoo markii danbe laqabtay mana ahayn arin xabsiga shaqo kuleh, ama laxidhiidha ama aan anagu qayb ka,ahayn, mana jirto wax uu Cabdi ka,ogaa ama shuqul ah oo arintaasi kuleedahay, saxaafada wararkan baahisay waxaan latiigsanaynaa sharciga ayuu yidhi masuulkani.