Burcad boolis iska dhigeysay oo garoon diyaaradeed ka dhacay Dahab

Dalka Brazil koox hubeysan ayaa xaday 750 Kiilo oo dahab ah kaas oo lagu qiyaasay qiimihiisu ugu yaraan 30 Milyan oo doolar.

Raggan dhaca geystay ayaa waxay ku labisnaayeen dareeska ciidammada booliska Brazil, waxay xoog ku galeen garoonka diyaaradaha Guarulho ee ku yaalla magaalada São Paulo.

Dahabka ay dhaceen ayaa waxaa loo waday magaalooyinka New York iyo Zurich.

Waxay sidoo kale raggan muddo yar ay qafaasheen labo kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha si ay howshooda u fuliyaan, sida laga soo xigtay booliska.

Dadka dhacan geystay waxay wateen baabuur loo maleynayo inay leeyihiin booliska federaalka Brazil, waxaa ay gabogabeeyeen shaqaalaha garoonka isla markaasna waxay ku khasbeen in dahabka ay saaraan baabuurkii ay wateen.

Afahayeen u hadlay maamulka garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inaysan jirin cid ku dhawaacantay dhacdada.