Boobka Baahsan Ee Ka Jira DDS Iyo Hadalka Wasiirka Ee Shakiga Gelinaya Ogaalka Madaxweyne Mustafe

Odhaahda Maanta (Talk of the Town)

Qaybta 1aad

Boob Baahsan (Pillaging National Assests)

Waxa usbuucan soo ifbaxay wer wer weyn leh oo ku aadan sida qaldan ee loo maareeye Dugsi DDS ka dhistay xaafada dulqabow la yidhaa ee duleedka magaalada Jigjigjia.

Dugsigaas oo dhowr miliion lagu dhisay ayaa lagu wareejiyey shaqsi muwaadin ah, iyada oon talada laga qayb galin shacabka deeganka iyo xaqlayaashii dhuulkaasi uu u ahaa seero ama qalaado-beereed.

Aritan sadex qaybood ayaan u kala qaadi.

1. Siyaasada goofka ama politics of land.
2. Hadalada boobka u eg ee Wasiir ku xigeenka Wax Barashada DDS uu arintan ku sharaxay.
3. Sida haboon ee loo maarayn kari lahaa arintan dugsiga.

Afeef: Waxaan isleeyahay ama aan isku qaadayaa in aan is aaminsiiyo in aanu aad uga war hayan arinta iyo detailkeeda MW Mustafe. Haduuse ku raacsanahay Wasiirka, waa arin kale.

1. Siyaasada Goofka

Siyaasada goofku ama politics of indigenous land waa marka Dawladu si’aan hufnayn u mareyso waxa galbeedka loo yaqaan qalaad ama seero, Muqdishona looga yaqaan Goof.

Qalaad waa dhul-beereed qoysas leeyihiin. Xiliyadii 1950hii illa 1970hii Axmaaro ayaa qasab dhul beereedka Jigjiga qaadan jirtay. Harooreys mar bey Axmaaro wada qaadatay.

Hadii Dawlada loo arko in ay ku jirto dhul boob ama dhul la wareeg, isla markaana lagu sabooleyn rabo wadaniga iyo xaqlaha, waxa xigi kara is hardi, kacdoon xaqlayaashu ku kacaan, iyo daganaansho la’aan.

Xiligii Siyaad Barre ayey arintani aad uga dhacday Muqdisho. Ilaa xad Hargeysana wey ka dhacday. Xataa xiligii CMC Jigjiga wey ka dhacday.

Waxa jirtay xili aan aniga iyo MW Mustafe arinta Jigjiga iyo dhulka seeraha ah si kooban uga wada sheekaysanay. Waa xiligii uu Soomaaliya hoogay.

Xikigaas SRAJ waxay rabeen in rer-Jigjiga ay CMC ku kiciyaan. Arinta dhulka ayey xeelad ama tactiko u arkeen. Aniguse dhowr jeer oonu MW Mustafe wada hadalnay arintaas waa dhamac dab ah ee in aan la buun buunin ayaan ku taliyey.

Aan usoo noqdo arinta Dulqabow iyo dugsiga dhamaystiran ee hebel Fayaanbiiro la siiyey.

Xiliyadii 1970hii, hooyaday Baada Muxumed Heebaan Badhcun ayaan wajaale mararka qaar u raaci jiray. Waxay ka mid ahayd haween dhowr ah oo caan magaalada ka ahaa oo baayac mushtar ahaa. Markaanu Jibriga Jigjiga ku wajahanahay, dhulka ayey ikala bari jirtay. “Buurta Garab Case dabadeedna waa qalaadkii awoowgaa Muxumed Heebaan.” Kaa ku xigaanaa waa rer-Goobaale.” Waxay racin jirtay, “kan hada inagu soo baxayana waa kii rer-Cali Garaad.” Waa safe Garaad oo isku qoys ah.

Kan rer-Cali Garaad waa goobta dugsigan aan ka hadlayno ku yaal. Shaqsiyaadka familiga rer-Cali Garaad caanka ka ah waxaa ka mid ah AU Cabdi Kooka koola. Waa maareeyihii warshadii Kooka koolaka ee Muqdishu 1970hii. Waxay shuraako ahaayeen AU ambassador Cumar Macalin. Ambassador Cabdi Xabashi ayaa isna ka mid ah.

Rerkaas waxa ka jooga oo dhulka la qaatay CMCna ku xidhay shaqsiga ka soo muuqda videoga ee ka dacwoonaya arinka sida xun loo maareeye.

Xiligii CMC xidhay, Jawer Maxamed oo xulifo la ahaa SRAJ ayaa sawirkan bartiisa bulshada soo dhigay isagoo lahaa “free Mucumed Ahmed.” Z(fiiri hoos). Xogtan waxa Jawer u gudbiyey SRAJ iyo Dulmidiid.

Sikastaba ha ahaatee, siyaasada goofka waxay horseedi kartaa sadex arimood.

1. Kacdoon marka la rabo goofka waa la adeesadaa.
2. siyaasada Goofku waxay keentaa boob la boobayo dadka xaqlaha ah.

3. Hadaanu xaqluhu iska dhex arag hurumarka magaalada samaynayso, caqluhu ama indigenous kacdoon ayuu iskii u bilaabaa.

Waana arin u baahan xeerin, xaqsoor, iyo xirfad ku aadan land development.

Qaybta 2 la soco